Madaxweynaha Maraykan ayaa isaga haray tartanka Madaxtinimada doorashada November dhici doonta.
Biden , markuu ku dhawaaqay inuu ka harayo tartanka doorashada , wuxuu sheegay ; “ Waxaan aaminsanahay inay dani ugu jirto xisbigayga iyo dawladnimada in aan xilka ka dego oo aan xoogga saaro oo kaliya gudashada waajibaadkayga Madaxweynenimo inta ka hartay muddada xilka.
-Sharaf weyn bay ii ahayd nolosheyda inaan noqdo madaxweynaha Mareykanka.”
Beddelka suurtagalka ah ee xisbiga dimuquraadiga uu soo sharraxi karo;
• Kamala Harris “ugu dhow”
•Michelle Obama.
•Guddoomiyaha gobolka California.
Laakin Biden, ayaa usoo jeediyay taageerrayaashiisa iyo xisbiga dimuquraadiga inay Kamala Harris u oggalaaday inay noqoto musharraxa xilka Madaxweynaha.
Fiiro gaar ah;
Markii uu si rasmi ah u sheegay Biden inuu ka harayo doorashada, waxaa si deg deg ah CNN ula hadlay Trump , oo sheegay; “ Inan doorashada uga adkaado Kamala Harris , way iga fudud tartankii aan la geli lahaa Biden , waana ka guuleysan doono”, wuxuu intaa ku daray ; “ Biden waa madaxweynihii ugu xumaa ee abid soo mara dalkeenna.”