Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Waa kuma Buurmadoow, boqorka marar badan hadal haynta dhaliyay?

    Waa kuma Buurmadoow, boqorka marar badan hadal haynta dhaliyay?

    By Liban QoonoFebruary 7, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa marar badan hadal hayn dhaliyay, kadib markii uu ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xariira, siyaasad iyo Bulsho.

    Dad badan ayaa is weydiinaya qofka uu yahay Buurmadoow.

    Waxaa uu horaantii lixdameeyadii ku dhashay deeganka lebiga- Caanood oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.

    Waxbarashadii diiniga iyo maadiga ilaa heer dugsi hoose dhexe ayuu ku qaatay degmada Sheekh ee gobolka Togdheer. Dugsiga sarena wuxuu kaga baxay dugsiga sare ee Waabari ee magaalada Muqdisho horaantii todobaatameeyadii ayuu kaga baxay Muqdisho.

    Jaamacad ku taal dalka Sudan ayuu bilowgii siddeetanaadkii ka qaatay heerkiisa kowaad ee jaamacada isagoo bartay qaynuunka, sida uu u sheegay BBC da.

    Boqor Buurmadow oo BBC-a la hadlay ayaa xusay in bartamihii siddeetamaadkii uu bilaabay ganacsi, xilligaas oo uu soo dhamaayey jaamacada, isagoo ka shaqayn jiray dhoofinta xoolaha oo u iibgayn jiray dalalka Khaliijka.

    Sidee buu ku noqday Boqor?

    Sida lagu yaqaano dhaqanka Soomaalida, xil dhaqameedku waa mid la iska dhaxlo, kaas oo si tirsi ah ay sanado kala dhaxlaan wiilasha iyo aabayaashood, laakiin xil dhaqameedka β€˜Boqor’ ee uu hayo Buurmadow, waa mid isaga ka bilaabmay oo aabihiis iyo awowgiisba horey uma soo hayn saldano dhaqan.

    Waxa uu sheegay in reerkiisu ay isaga boqor ka dhigteen sanadkii 2000.

    Laakiin waraysi uu horey u siiyey BBC-da dhamadkii sanadkii 2021-kii oo lagu waydiiyey cida u isagu Boqarka ku matalo ayuu sheegay in uu Afrika oo dhan Boqor u yahay.

    BOQOR BUURMADOW
    Qoraalka sawirka,Boqor Cismaan Aw Maxamuud BuurmadOW

    β€œWaxaan ku matalaa umadda Soomaaliyeed ee geeska oo dhan waxaan ku mataa Shacabka Somaliland,Kuwa Jabuuti, Kuwa kililka shanaad, kuwa NFD iyo kuwa Muqdisho degan ayaan ku matalaa” ayuu ka jawaabay.

    Wuxuu sheegay in lagu doortay dalka Liibiya, doorashadiisan aya goob joog ka ahaayeen dad uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee dalkaa Mucamar Al-Qadaafi iyo madax dhaqameed kale oo Soomaaliyeed.

    β€œ Afrika oo dhan ayaa I dooratay, geeska afrika baa n baa I doortay Liibiya ayey madax dhaqameedka Afrika oo dhan baa halkaa isugu yimi, doorasho weyn oo rasmi ah baa ka dhacay, Madaxda dhaqanka Maxamuud Cali Ugaas ayaa ka mid aha, rag siyaasiyiina oo Cumar Finish ka mid yahay ayaa ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa. Afrika oo dhan baa ii dooratay” ayuu Yiri Boqor Buurmadow.

    Shaqooyinkii uu qabtay intii hayey xilkan dhaqan ayuu BBC-da u sheegay inuu kaalin weyn ku lahaa heshiiskii Cabdilaahi Yuusuf Axmed Iyo Gen Maxamuud Muuse Gen Cadde ee lagu soo afjaray dagaal dad badani ku dhinteen oo sanadii 2000 ka dhacay Puntland.

    Muxuu ahaa xirirka ka dhaxeeyey Boqor Buurmadow iyo Mucamar Al-Qadaafi

    BOQOR BUURMADOW
    Qoraalka sawirka,Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmaddow

    Boqor Cismaan aya BBC-da u sheegay in isaga iyo Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadafi ay isku barteen dalka Niger halkaas oo ka mid ahaa dad ka shaqeeyey cilmi baaris ay Liibiya maalgalinaysay oo laga samayey dalkaasi.

    β€œAniga iyo Qadaafi waxaan markii danbe noqonay saabiixo gaar ah, waxaan ka mid ahaa Boqoro Afrikana oo la socday oo meelo badan kala qayb galay shirar uu qabtay iyo kulamo uu gogosheeda lahaa” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

    Wuxuu intaas ku daray in shirar badan oo nabadayn oo ka dhacay dalalka Afirka uu ka qayb qaatay xallintooda oo ay ka mid ahaayeen dalalka Niger, Chad, Sudan iyo Mauritania.

    β€œAniga iyo Wasiirkii dhaqanka ee Liibiya, Rafac Al-Madani ayaa ka mid ahaa guddiga uu Qadaafi u saaray xiisad cinqilaabka ee Morotania, guddigaas oo aan gudoomiye u ahaa waxaan xallinay arintaas, marka nabaddayn badan ayaa ka shaqeeyey ” ayuu BBC-da u shegay Boqor Buurmadow.

    Boqor Buurmadoow ayaa marar badan dhaliyay hadal hayno ay ka caroodeen dad badan.

    Sanadkii 2021 kii mar uu ka hadlay in huggaanka al Shabaab ay hayaan qoyska uu ka soo jeedo ayaa dad badan si adag uga falceliyeen.

    Xilliyo hore waxaa marar kala duwan xabsiga dhigay Somalilnd, kadib dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka qayb qaatay.

    Buurmadoow wuxuu ku macneeyay dhaqdhaqaaqyadaas kuwa dhaqameed iyo nabadayn uu waday. Marar kala duwan oo warbaahintu wareysatay ayuu sidaas sheegay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.