Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo weli ku guda jira socdaalkiisa Nabadda iyo Midnimada ayaa maanta soo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud (Dhagaweyne) Guddoomiyaha degmada Moqokori Xasan Bare Siyaasiyiin saraakiil ciidan iyo kumanaan dadweyne ah ayaa soo dhaweyn muunad sare leh ugu sameeyay ugaaska degmada Mokori.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo masuuliyiinta la socday ayaa salaan la dhax qaaday kumanaanka kun ee shacabka ahaa ee ugaaska kusoo dhaweeyay degmada Moqokori.
Ugaas ayaa inta uu ku suganyahay degmada Moqokori waxuu kulamo la qaadan doonaan qeybaha bulshada waxuuna ugu dambeyn u duceyn doonaa bulshada degmada Moqokori.