TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.
Bayaan maanta ka soo baxay maamulka TPLF ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay hub iyo ciidamo badan ku daabushay gobolka Tigray, si halkaas looga bilaabo hawl-gal cusub.
TPLF ayaa ugu baaqday beesha caalamka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka inay si dhow ula socdaan xaaladda sii xumaanaysa, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah.
Arrintan ayaa imaneysa xilli ay Itoobiya fariin u dirtay Eritrea oo ku saabsan inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Itoobiya, inkastoo Eritrea ay diiday eedeyntaas.
Ogaadenia Media

