Gelinkii hore ee maanta Muqdisho waxa ka degtay diyaarad siday in ka badan 70 askari oo ku hubaysan hub culus, kuwaas oo ilaalo u ah Madaxweyne Deni. Isla diyaaradda uu la socdayna waxa sidoo kale ka soo degay ku dhowaad 40 askari oo kale oo hubaysan.
Shacabka Soomaaliyeed waxay is weydiinayaan Madaxweyne Deni, yuu uu sidan oo dhan isaga ilaalinayaa?
Ma furimaha hore ee dagaalka argagixisada ayuu u socdaa, mise Caasimaddii dalka?

