Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

    May 31, 2025

    Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

    May 31, 2025

    Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

    May 31, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

      May 31, 2025

      Imtixaan laga qaadayo guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo la furay

      May 31, 2025

      Taliyaha Hay’adda NISA, Sanbalooshe ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka kadib

      May 30, 2025

      Madaxweyne Cirro oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka Kenya.

      May 30, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

      May 31, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

      May 31, 2025

      Imtixaan laga qaadayo guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo la furay

      May 31, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sida loo soo qabtay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho

    Sida loo soo qabtay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho

    Liban QoonoBy Liban QoonoFebruary 5, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida ay baahiyeen booliska Soomaaliya, Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu dhawaan xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho ayaa gacanta waxaa lagu soo dhigay isagoo dhuumaaleysanaya.

    Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadaq Doodishe oo BBC la hadlay ayaa yiri “Sayid Cali ayaa cadaaladda ka baxsaday oo ehelkiisa dad ka mid ah ay u fududeeyeen in uu cadaaladda ka baxsado. Hogaanka baarista dambiyadda ee CID iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed oo in dhawaale isha ku hayay oo ku howlanaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanahaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Cadaadley ayay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan”.

    Taliyaha ayaa faafaahiyay sida ay ugu suuragashay inay ninkan gacanta ugu soo dhigaan iyagoo sheegay inay qabteen labo nin oo ninkan ka caawineysay dhaawac ka soo gaaray dabka uu xaaskiisa ku gubay, sidaasina ay ugu suuragashay inay eedeysane Sayid cali gacanta booliska ku soo dhigaan.

    “Labo eedeysane oo ninkaas gacanta ku hayay oo gargaarayay bacdamaa uu dab ka soo gaaray gacanta maalintii uu marwadiisa gubayay, ayaa u doonay adeeg caafimaad, waxayna aadeen deegaanka Gawaan oo hoostaaga degmada Wisil. Ciidamadu ammaanka ayaa ka war helay. Gacanta ayaa lagu dhigay labadii eedeysane, dabadeedna waxaa fududaatay eedeysanihii bartii uu ku dhuumaaleysanayay in loogu tago.” ayuu yiri Gaashaanle Saadaq.

    Booliska ayaa sheegay in ninkan eedeysanaha ah sharciga la hor keeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan isagoo hadda ku xiran mid kamid ah saldhigyada booliska ee Soomaaliya.

    Afhayeenka ayaa sidoo kale BBC u sheegay in meesha eedeysane Sayid Cali laga soo qabtay ay aheyd meel furin ah oo uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Soomaaliya iyo Al-shabaab, taasina ay keentay in ciidamada iyo Booliska Galmudug ay iska kaashadaan soo qabashada eedeysanaha.

    Xaaskii ninkaan la soo qabtay ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray dabka uu ku gubay odeygeedu, sida ay sheegeen masuuliyiinta booliska.

    Raggaas ayaa ala filayaa in dhawaan sharciga la hor keeno.

    GOLAHA SHACABKA

    Sidee looga falceliyay dhacdada?

    Dhacdadan ayaa hadal hayn weyn ka abuurtay gudaha Muqdisho, iyadoo gaaratay heer baarlamanka uga doodaan gudaha baarlamaanka xildhibaanada qaar. Intooda badan ayaa waxay markaas dalbadeen in si deg dega loo soo qabto ninkan hadda la soo qabtay.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo horay uga hadlay ka hadlay falkaan ayaa yiri”geerideeda waxay ka nixisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waa wax laga naxo oo ka baxsan bani’aadannimada in ninkeedii uu gubay” ayuu yiri Sheekh Shariif.

    Haweenka ku jira golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya oo qaarkood warbaahinta kula hadlay banaanka barlamaanka xiliga ay dhacda soo shaac baxday ayaa maarkas ka dalbaday haya’addaha ammaanka in la soo qabto cadaaladana la geeyo shaqsiga lagu tuhmayo falkaan.

    Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhacdada ku tilmaamay “mid bahalnima ah” oo shacabka Soomaaliyeed ku riday argagax.

    “naad dab qabadsiiso xaaskaada oo xaamilo ah oo shan caruur oo agoon ah u xoojisa waa faldanbi ka baxsan xayndaabka bani’aadannimada,” ayuu ku qoray bogiisa Facebook.

    Afhayeen Booliska Soomaaliya

    “Ehelka Haweeneyda la gubay”

    Qaar ka mida ehelka marxuumad Luul Sheekh Cabdicasiis oo dhowr jeer oo kala duwan la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa dalbaday cadaalad iyo in la soo qabto ninka ku eedeysan gubida xaaskiisa oo geeriyootay.

    Waxay xiligaas sheegeen in aysan aasi doonin meydka gabadhooda inta ay ka helayaan cadaalad.

    Waxaa la sheegay in Siid Cali oo maseersan uu soo diyaarsaday baasiin iyo Jande-sigir ka dibna uu xaaskiisa ku soo xiray qolka, gaasna ku bilbilay oo uu sidaas ku gubay isagiina gaari u sii diyaarsanaa uu ku baxsaday. Sida uu BBC-da u sheegay Gaashaanle Saadaq Doodishe.

    Luul ayaa horay u haysatay lix caruur ah oo ay u dhashay nin kale, ka hor inta aysan Siid Cali is guursan.

    Falkan oo dad badani ku tilmaameen mid aragagax leh ayaa wali si weyn Soomaalidu ugu hadlayaan Baraha Bulshada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

    May 31, 2025

    Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

    May 31, 2025

    Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

    May 31, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

    May 31, 2025

    Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

    May 31, 2025

    Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

    May 31, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.