Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sida loo soo qabtay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho

    Sida loo soo qabtay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho

    By Liban QoonoFebruary 5, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida ay baahiyeen booliska Soomaaliya, Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu dhawaan xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho ayaa gacanta waxaa lagu soo dhigay isagoo dhuumaaleysanaya.

    Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadaq Doodishe oo BBC la hadlay ayaa yiri “Sayid Cali ayaa cadaaladda ka baxsaday oo ehelkiisa dad ka mid ah ay u fududeeyeen in uu cadaaladda ka baxsado. Hogaanka baarista dambiyadda ee CID iyo ciidanka booliska Soomaaliyeed oo in dhawaale isha ku hayay oo ku howlanaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeysanahaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Cadaadley ayay u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan”.

    Taliyaha ayaa faafaahiyay sida ay ugu suuragashay inay ninkan gacanta ugu soo dhigaan iyagoo sheegay inay qabteen labo nin oo ninkan ka caawineysay dhaawac ka soo gaaray dabka uu xaaskiisa ku gubay, sidaasina ay ugu suuragashay inay eedeysane Sayid cali gacanta booliska ku soo dhigaan.

    “Labo eedeysane oo ninkaas gacanta ku hayay oo gargaarayay bacdamaa uu dab ka soo gaaray gacanta maalintii uu marwadiisa gubayay, ayaa u doonay adeeg caafimaad, waxayna aadeen deegaanka Gawaan oo hoostaaga degmada Wisil. Ciidamadu ammaanka ayaa ka war helay. Gacanta ayaa lagu dhigay labadii eedeysane, dabadeedna waxaa fududaatay eedeysanihii bartii uu ku dhuumaaleysanayay in loogu tago.” ayuu yiri Gaashaanle Saadaq.

    Booliska ayaa sheegay in ninkan eedeysanaha ah sharciga la hor keeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan isagoo hadda ku xiran mid kamid ah saldhigyada booliska ee Soomaaliya.

    Afhayeenka ayaa sidoo kale BBC u sheegay in meesha eedeysane Sayid Cali laga soo qabtay ay aheyd meel furin ah oo uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Soomaaliya iyo Al-shabaab, taasina ay keentay in ciidamada iyo Booliska Galmudug ay iska kaashadaan soo qabashada eedeysanaha.

    Xaaskii ninkaan la soo qabtay ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray dabka uu ku gubay odeygeedu, sida ay sheegeen masuuliyiinta booliska.

    Raggaas ayaa ala filayaa in dhawaan sharciga la hor keeno.

    GOLAHA SHACABKA

    Sidee looga falceliyay dhacdada?

    Dhacdadan ayaa hadal hayn weyn ka abuurtay gudaha Muqdisho, iyadoo gaaratay heer baarlamanka uga doodaan gudaha baarlamaanka xildhibaanada qaar. Intooda badan ayaa waxay markaas dalbadeen in si deg dega loo soo qabto ninkan hadda la soo qabtay.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo horay uga hadlay ka hadlay falkaan ayaa yiri”geerideeda waxay ka nixisay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waa wax laga naxo oo ka baxsan bani’aadannimada in ninkeedii uu gubay” ayuu yiri Sheekh Shariif.

    Haweenka ku jira golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya oo qaarkood warbaahinta kula hadlay banaanka barlamaanka xiliga ay dhacda soo shaac baxday ayaa maarkas ka dalbaday haya’addaha ammaanka in la soo qabto cadaaladana la geeyo shaqsiga lagu tuhmayo falkaan.

    Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhacdada ku tilmaamay “mid bahalnima ah” oo shacabka Soomaaliyeed ku riday argagax.

    “naad dab qabadsiiso xaaskaada oo xaamilo ah oo shan caruur oo agoon ah u xoojisa waa faldanbi ka baxsan xayndaabka bani’aadannimada,” ayuu ku qoray bogiisa Facebook.

    Afhayeen Booliska Soomaaliya

    “Ehelka Haweeneyda la gubay”

    Qaar ka mida ehelka marxuumad Luul Sheekh Cabdicasiis oo dhowr jeer oo kala duwan la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa dalbaday cadaalad iyo in la soo qabto ninka ku eedeysan gubida xaaskiisa oo geeriyootay.

    Waxay xiligaas sheegeen in aysan aasi doonin meydka gabadhooda inta ay ka helayaan cadaalad.

    Waxaa la sheegay in Siid Cali oo maseersan uu soo diyaarsaday baasiin iyo Jande-sigir ka dibna uu xaaskiisa ku soo xiray qolka, gaasna ku bilbilay oo uu sidaas ku gubay isagiina gaari u sii diyaarsanaa uu ku baxsaday. Sida uu BBC-da u sheegay Gaashaanle Saadaq Doodishe.

    Luul ayaa horay u haysatay lix caruur ah oo ay u dhashay nin kale, ka hor inta aysan Siid Cali is guursan.

    Falkan oo dad badani ku tilmaameen mid aragagax leh ayaa wali si weyn Soomaalidu ugu hadlayaan Baraha Bulshada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.