Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan doorashooyin looga qabto dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in maamulladan ay galaan doorasho waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii lagu dhisay nidaamka federaalka, si loo xaqiijiyo sharciyad iyo kalsooni siyaasadeed.

