Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid Nuur Barre, isagoo sheegay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imaanayso xorriyadda saxaafadda iyo nidaamka dimuqraadiyadda, isla markaana dhaawac ku tahay mabaadi’da dowladnimada, ku dhaqanka sharciga, iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Waxa uu ugu baaqay hay’adaha amniga iyo dowladda in ay si degdeg ah u caddeeyaan waxa dhacay, isla markaana xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo isagoo aan shuruud lagu xirin.
ADMIN

