Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, isagoo qiimeeyay adeegyada caafimaadka, socdaalka, amniga iyo habsami u socodka shaqada garoonka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dhageystay cabashooyin ay muujiyeen shacabka, wuxuuna faray maamulka garoonka in la xoojiyo tayada adeegyada, lana fududeeyo u adeegidda rakaabka, gaar ahaan dadka u baahan daryeel gaar ah.
Wuxuu adkeeyay in aysan marnaba la aqbali karin cabashooyin ka yimaada xarumaha dowladeed, isagoo ballanqaaday in xukuumaddu tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku xadgudubta adeegga dadweynaha, isla markaana Garoonka Aadan Cabdulle uu noqdo mid ka tarjumaya haybadda iyo sumcadda dalka.

