Puntland, ayaa cambaaraysay xarig sharci darro ah oo Muqdisho loogu geystey Suxufi halkaas ka hawlgala.
Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa sheegay in caburtinta Warbaahintu calaamad u tahay hab dhaqanka Madax doorasho diid ah.
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa xadgudubka iyo afduubka loo geystay wariye Abdixafid Nuur Barre ee ka tirsan Somali Cable TV. Tallaabadani waxay si cad uga hor imanayso xorriyadda saxaafadda, waxayna dhaawac ku tahay mabaa’di’da dowladnimo, ku dhaqanka sharciga, iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.” Ayuu yiri Wasiir Cabdifataax.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Madaxda Soomaaliya rabaan inay xukunka xoog ku joogaan.
“Cabudhinta, xarigga sharci-darrada ah, iyo cagajuglaynta warbaahintu ma aha oo kaliya ku xadgudub xuquuq shaqsiyeed, fal lid ku ah hannaanka dimuqraadiyadda iyo kalsoonida dadweynaha balse waa hab dhaqan ay caan ku yihiin madaxda Doorasho diidka ah ee jecel inay xukunka xoog ku joogaan may dhamaato mudo xileedka uu sharcigu u xalaaleeyey.” Ayuu hadalkiisa raaciyey.
#freeWariyeAbdihafid

