Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe magaalada Muqdisho ku xiray Wariye Cabdixafiid Nuur Barre oo ka tirsan TV-ga Somali Cable.
Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga Wariyaha mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo la xiriira arrintaasi.
Maamulka TV-ga uu ka howlgalayey iyo Ehelkiisa ayaa inoo xaqiijiyey inaysan ogeyn halka lala aaday ama lagu xiray islamarkaana markii hore gaari Cabdi Bile ah lagu qaaday.

