Muqdisho : Garsooreyaal iyo maxaabiis isku meel ku hoyanaya
Dhisme cusub oo ay maalgalisay hay’adda ka hortagga dambiyada iyo daroogada Qaramada Midoobay ee UNDOC ayaa loo dhisey naqshad cajiib ah, waxaana ku wada hoyan kara maxaabiis iyo garsooreyaashii xukumay.
Dhismaha oo qaadi kara 700 oo sariirood oo maxaabiista jiiftaan ayaa waxa uu sidoo kale leeyahay qolal ay seexan karaan garsooreyaasha xilliga ay doonaan si loo dhimo halista ka iman karta marka ay u kala gooshayaan dhismahan oo leh goobihii eedeysanayaasha lagu ma maxkamadaynayay.
Horey ayaa weeraro kala duwan loogu geystay shaqaalaha garsoorka iyo maxkamadaha.
Dhismaha wuxuu isugu jiraa xabsi, maxkamad iyo hoyga garsooreyaasha.
Garsoorka Soomaaliya ayaa xiiso gaar ah yeeshay dhowaanahan kadib kiisas hadal hayntoodu badantahay oo dadka ay saxaafadda kala socdeen dhagaysigooda.
Wixii hadda ka horeeyay, shacabka ayaa u garsoor doonan jirey goobaha ay Alshabaab xukumaan, balse waxaa soo kordhaya kalsoonida lagu qabo caddaalada dalka inkasta oo ay weli jiraan cillado.