Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?
Dowlada Somaliya ayaa beenisay in ay xayiraad saartay Shirkada Diyaaradaha Arkia ee laga leeyahay isra1l.
Laakiin waxaa jira hal qodob oo laga dhadhansaday hadalka DFS, Waxay Somaliya Sheegtay in aysan Xanibin Shirkada hadana ma aysan dafirin in aysan ilaa hadda u cusboonaysiin ruqsada isticmaalka Hawada Soomaaliya.
Shirkada Arkia kama aysan caban in uu soo baxay go,aan rasmi ah oo ku aadan diidmada hawada Somaliya laakiin waxay Carab baabtay in aan wali loo cusboonaysiin ruqsada isticmaalka Hawada Soomaaliya.
DFS se waxay ku jawaabtay uma aanan diidin in ay isticmaasho hawadeena.
Muxuu ka dhigan yahay is mari waagaan?
Wuxuu muujinayaa in DFS ay adeegsanayso awoodeeda si ay cadaadis u saarto isr11l oo dhowaan la bahowday SL oo ay aqoonsatay.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa rumaysan in uu qorshahaan salka ku haayo cadaadis siyaasadeed oo ku wajahan Sahnuuniyada.
Sharciga Caalamiga DFS uma ogola sabab la aan in ay hawadeeda ka mamnuucdo Diyaarad Caalami ah laakiin bixinta Ruqsada waxaa awood u leh Somaliya.
Waxbaa salag leh ee maxay noqon doonaan?

