Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho?
Dad badan ayaa muhiim u arka shirka la filayo in uu magaalada Muqdisho ku dhex maro Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo waxa loo gu yeero Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (dad badan u yaqaanaan Golaha Mustaqbal-seegga ama Mustaqbal-beelka Soomaaliya). Shirkan oo ka dhashay baaqii shirkii Kismaanyo, ayaa qabsoomiddiisa waxaa kaalin ku lahayd Beesha Caalamka oo isu soo dhoweysay dhinacyada.
Doodda waxa loo guyeero Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, waxa ay ku salaysan tahay labo qodob:
1. Dastuurka;
2. Doorashada.
Sida muuqata, Baarlamanku waa uu sii wadayaa hawlaha dastuurka, ma na jirto filasho ah in la hakin doono wax-ka-beddelka dastuurka. Sidoo kale, jihaynta doorashadu, waxa ay u taallaa dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka. Arrinta doorashada, ma aha wax ay go’aan ka gaari karaan labo maamul oo fallaago ah iyo siyaasiyiinta garab-raratada ah ee joogay Muqdisho. Inta uu socdo shirku, waxaa xubnaha golahan loo sheegi doonaa in ay soo gudbiyaan taladooda iyo aragtidooda. Wixii intaas ka dambeeya na, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay shirar la yeelan doontaa saamileyda kale ee siyaasadda, oo ay ku jiraan maamullada hadda maqan iyo siyaasiyiinta kale. Sidaas awgeed, ma jirto wax go’aan siyaasadeed ah oo la ga filayo shirka Muqdisho. Keliya, dawladdu waxa ay dhegaysanaysaa aragtida ay qabaan Bahwadaagta Imaaraadka.
Shirkan, waxa aan ku tilmaami karaa in uu yahay mid u dhexeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo labo oday oo u jeellan Muqdisho. Dawladdu waa ay la hadlaysaa oo waa ay soo dhoweyneysaa cid walba oo muwaadiniinteeda ah oo qabta aragti kale. Ha se yeeshee, ha sugin in wax go’aan ah uu ka soo baxo shirka Muqdisho, aan ahayn in la ballaariyo oo la sii wado wadahallada.
Abdirashid Muse

