Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), ayaa guddoomiyaha Xisbiga FEB, Ibraahim Dheere, ku eedeeyay inuu ka dambeeyay kala furfurka ONLF.
Cabdi maxamuud ayaa sheegay in Ibraahim Dheere uu ahaa maskaxdii ka dambaysay fashilinta xubnihii ururka ONLF ee ku sugnaa Muqdisho, Nairobi, Jabuuti iyo arrintii Baladweyne.
Isagoo intaas ku daray in Ibraahim Dheere uu ahaa xubin weyn oo qayb ka qaatay kala furfurka ONLF sida uu sheegay madaxwaynihii hore Abdi ilay.

