MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA PROF. MAXAMED SHEEKH CISMAAN JAWAARI
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariisto Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
“Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Sooyaal fog ayuu ku lahaa Dowlad-dhiska Soomaaliya waxa uu waqti dheer geliyay sidii ay Soomaaliya dib ugu istaagi laheyd. Dhammaanteen ayay darreen adag nagu leedahay geeridiisa.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa Rabbi uga baryay inuu ku irsaaq mid ka mid ah Jannooyinkiisa.
Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.