Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025

    DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

    May 9, 2025

    Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

    May 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

      May 9, 2025

      Kacdoon lamid ah kii Laascaanood oo looga dhawaaqay Baladweyne .

      May 9, 2025

      DEG DEG Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo Muqdisho ka dhacay

      May 9, 2025

      DEG-DEG: Madaxtooyada Beledweyne ayaa waxaa goor dhow la wareegay

      May 9, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025

      Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

      May 9, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025

      Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

      May 9, 2025

      Kacdoon lamid ah kii Laascaanood oo looga dhawaaqay Baladweyne .

      May 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » kumuu ahaa Goolhayihii geeridiisu gil-gishay Soomaalida.

    kumuu ahaa Goolhayihii geeridiisu gil-gishay Soomaalida.

    Liban QoonoBy Liban QoonoJune 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa shalay shil gaari ku geeriyooday Cabdishakuur Maxamed Axmed oo ku magac dheeraa Boqole iyo Cabdirixmaan Yaasiin Cali Gadhle oo labadu ahaa shaqsiyaad caan ka ahaa bahda ciyaaraha ee Somaliland.

     

    Shilka labada marxuun ku geeriyoodeen ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ee Somalilnd sida ay BBCda u xaqiijiyeen ehelladooda

     

     

     

    Geerida labdan ciyaaryahan ayaa si weyn u gilgishay baraha bulshada iyadoo ay dad badani muujiyeen doorka ay ku dhex lahaayeen ciyaaraha.

     

     

     

    Cabdishakuur Boqole, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dhulka Soomaalida ee ka tirsan ciyaaraha kubada cagta isagoo ahaa gool ilaaliye ka tirsan kooxda heerka kowaad ee wasaaradda maaliyada ee jamhuuriyada iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

     

    Guddoomiyaha Kooxda uu ka tirsanaa Boqole, Kamaal Maxamed Yuusuf oo BBCda la hadlay isagoo safar u sii ah halkii shilku ka dhacay ayaa xusay in ciyaaryahan Cabdishakuur geeriduusu ay si weyn u taabatay dhammaan bahda ciyaaraha gaar kooxdiisa.

     

    “Wuxuu kooxda u ahaa lafdhabar, waxaana geeriduusu nagu noqotay mid naxdin leh, runtii aniga iyo kooxda inteeda kalaba way na taabay waxaase la dhaafayn qadarta” ayuu yiri Kamaal.

     

    Boqole iyo booskii uu ugu jiray ciyaaraha kubada cagta

    Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cabdi Cabdilaahi, oo yaraantii ay garoomo ku yaalla magaalada Burco ka wada ciyaari jireen kubada Allaha u raxmadee Cabdishakuur Boqole, ayaa ku tilmaamay in uu ahaa qof lahaa hibo hibo gooniya oo kubada cagta.

     

    “Cabdishakuur, wuxuu ahaa dhalinyaradii ciyaaryahannadii hayaanka kubadda cagta ka soo bilaabay magaalada Burco, waxaan xasuusta inuu ka mid ahaa dhalinyaradii ku ciyaari jirtay garoonka Alamze Studium ee Burco.”ayuu yiri Maxamed.

     

     

    Axmed Maxamed Iidaan, waa tababaraha allah u raxmadee Cabdishakuur Maxamed Boqole, wuxuu BBCda u sheegay in kooxdiisu wayday halbowlihii isku hayey kooxda.

     

     

     

     

    Aniga naftay sida geeridiisu ii taaman horre iima taaban, qofksta oo bahda ciyaarahana waa mid taabatay, anigoo macallinkiisaa maalintii waxaan is maqli jirnay muddo badan anagoo ka wada hadli jirnay kooxda iyo nolosha adduunka ee kale” ayuu yiri.

     

    Tababare Iidaan ayaa intaa ku daray in gool ilaaliye Boqole uu ku suntanaa qof jecel isku haynta dhalinyarada “ Kooxkasta wuxuu la ahaa saaxiib xitaa kuwa ay xifaaltamayaan ee ay ku tartagamayaan koobabka”

     

    “Runtii waxaan dhihi karaa wuxuu ahaa qof xirfadiisa kubada cagtu ay dhaxalsiisay inuu qofkasta jeclaado, shaqsiyadiisa ayaa ahayd mid macaan oo dad isku wad leh” ayuu yiri Tababare Iidaan.

     

    Isagoo ka hadlayey doorkiisii kooxda iyo guulaha uu la gaaray ayuu xusay inuu boos muhima u yahay kooxda.

     

    Boqole, ayaa kooxda wasaaraddda Maaliyada ee Somalilnad ku soo biiray saddex sano ka hor isago la qaaday koobka horyaalka caasimada oo ay tobban kooxood oo heerka kowaada wada ciyaarayeen xilli ciyaareedka 2023/2024 oo ay ku guulaysteen.

     

    Ciyaaraha gobolada Somaliland, Cabdishakuur Boqole, wuxuu u saftay gobolka Howd oo ka mida gobolada ku caana kubadda cagta ee Soomaaliland.

     

    Boqole, ayaa ka soo ciyaaray Muqdisho, Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida isagoo sidoo kale gudaha Soomaliland ka ciyaaraha kooxaha, dowladda hoose ee Hargaysa , asluubta, iyo kooxda duulista hawada.

     

    Kumu ahaa Cabdishakuur Maxamed Axmed ‘Boqole’

     

    Cabdishakuur Maxamed Axmed oo loo yaqaaney Boqole, waxaa uu deegaanka Yaroowe oo u dhow magaalada Burco ee gobolka Togdheer ku dhashay dhammaadka bishii afaradad sanadkii 1996-dii, sida ay BBCda u sheegtay walaashiis Bilan Maxamed Axmed.

     

    Marxuunka ayaa ifka ugu tagay saddex carruura, wiil iyo laba gabdhood.

     

    Sida ay noo sheegay maamulka kooxdii uu ka tirsanaa waxaa maalinta bari lagu wadaa in lagu aaso marxuunka magaalada Burco ee gobolka togdheer.

     

    Ka sokow inuu ahaa gool ilaaliye, wuxuu sidoo kale lahaa xirfada dhiggida garoomada rooga cagaaran ee macmalka kaas oo sidoo kale caan kaga ahaa Somaliland.

     

    Howshii ugu danbaysay ee dhigida rooga cagaaran ayuu shaqadeeda soo dhammeeyey degaanka wadaamo go oo u dhow Caynaba sida uu BBCda u sheegay tababe Iidaan.

     

     

    Iidaan, wuxuu kale oo sheegay in allaha u raxmadee Boqole, uu aha darawal xirfadaas sidoo kale ku shaqeeya oo kaxeeya gawaarida.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025

    DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

    May 9, 2025

    Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

    May 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025

    DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

    May 9, 2025

    Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

    May 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.