Ciidamada Ammaanka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay goordhow soo afjaraan howlgal ballaaran oo saaka ka bilowday magaalada Baydhabo.
Howlgalkaasi ayaa lagu baacsanayay kooxo burcad nabad-diid ah oo dhibaatooyin ku hayay shacabka ku nool magaalada Baydhabo.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay tahay sugidda amniga guud iyo soo celinta xasilloonida magaalada.

