Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane Abukaate Avv: Ahmed Isse Gutale ayaa shir guddoomiyey kulan sanadeedka Bahwadaagta Caalamiga ah ee dhanka horumarka ka taageerta XHGS oo si fogaan-arag ah u qabsoomay.
Shirkan oo sannadle ah ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka Xafiiska ee sannadkii 2023, caqabadaha jiray iyo horumarada laga gaaray xaqiijinta yoolasha Qorshaha Istaraatiijiyadda ee 2023-2027. Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa bahwadaag Caalamiga ee Xafiiska dhanka horumarka ka taageerta.