Galdogob: Isimmada Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku caan-shubay Ugaaska beelaha Tanade-Daarood, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas maxamed
Magalada Galdogob ee Gobolka Mudug oo lagu caleema-saarayo Ugaaska Beelaha Tanade [Leelkase], Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed ayaa maanta kulmisay Muxaafidka & Mucaaridka, xilligan isku-mari la’ siyaasadda Soomaaliya.
Waxa safka hore geleya; Madaxweynaha Puntland, Guddoomiyaha Baarlamanka PL, Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka-sare JFS oo hoggaaminaya Wasiirrada Federaalka & siyaasiyiinta Mucaaridka PL, madax ka socota DDS, Galmudug, Muqdisho & qurbaha oo intooda badan tegey goobta caana-shubka.
Marka laga yimaaddo isimmada oo deegaannada Soomaaliyeed isaga yimi & hadaljeedinta dhaqan; waxa la arkayaa siyaasiyiinta wada-hadalladooda xaaladda dalka.
Magaalada Galdogob oo dhacda cidhifka galbeed ee Mudug ayaa maanta muujisey sida ay u martigelin karto hoggaanka Soomaalida ee dhaqan & siyaasad.

