Update : Farmaajo oo wado dadaalo la iskugu soo dhaweynayo Xasan Sh , Deni iyo Madoobe si shirka uusan u fashilmin.
Ilo xilkas aya radiohalgan.coma u xaqiijiyen in xaley uu Agaasimaha NISA Mahad Salad hooygisa ku booqday Madaxweyne hore Farmaajo. Mahad aya Farmaajo uso gudbiyay fariin uuka siday Madaxweyne Xasan Sh oo codsaday in Madaxda Puntland iyo Jubaland ay aqbalaan in shirka uuka qabsoomo Villa Somalia.
Farmaajo ma uusan balan-qaadin inuu fikirkaas ku qancin doono madaxda Puntland iyo Jubaland balse waxa uu adkeeyay inuu dadaal ku bixin doono si shirka uusan u fashilmin. Intaas kadib Mahad aya la sheegay inuu wada-hadal siiyay Madaxweyne Xasan Sh iyo Madaxweyne hore Farmaajo. Xogta aan helnay aya tibaaxeyso in Farmaajo uu Xasan ka codsaday in marka uu Muqdisho kuso noqdo uu kulan salaan ah Airport Hotel ugu tago Deni iyo Madoobe si wada-hadal halkaas uga furmo.
Dhanka kale, Farmaajo aya la xaqiijiyay ineey xiriir wada-hadal yeeshen Deni iyo Axmed Madoobe balse radiohalgan.com ma helin xogta wada-hadalka oo aheyd mid masuuliyinta ku kooban.
Waxa la xaqiijiyay ineey xaley 11pm ay kulan hoose yeeshen Madaxweyne hore Shariif , Madaxweynayasha Puntland iyo Jubaland , Raisul Wasaare hore Kheyre iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakur. Xubnahan aya iska wareysten waxa ay sameyn doonan hadi Xasan Sh uu diido in kulanka ka qabsoomo Xalane.
Isku soo wada duubo caqabada ugu weyn ee qabsoomida shirka aya ah goobta uuka qabsoomayo, waxana xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sh uusan diyaar u aheyn inuu ka tanaasulo doorashada halka dhinac iyo dastuurka uu kaligiis badalay. Fikirkada waa muhiim.

