Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay saakay magaalada Muqdisho.
Wararka aan ka heleyno qaraxa dhacay ayaa sheegaya in Gen. Cabdirisaaq Afgaduud oo ka tirsan hoggaanka caafimaadka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaarigiisa loogu xiray Qarax xilli sida la xaqiijiyey uu ku jiray Masaajid, ka dibna markii uu ku soo laabtay Gurigiisa oo ku yaala agagaarka Hotel Global ee Muqdisho markaas oo qaraxu dhacay.
Goobjoogayaal iyo Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha amniga ayaa noo sheegay inuusan jirin khasaaro ka dhashay, islamarkaana ay waxba kama jiraan yihiin warar la faafiyey qaraxa kadib oo ahaa in weerar lagu qaaday xarun dowladeed.
Hay’adaha amniga ayaa gaaray goobta gaarigu ku qarxay baaritaan kadibna xaaladda ayaa ah mid ah oo wax walba waxay kusoo laabtesn sidoodi caadiga ahayd.

