Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid gaashaaman, diyaarado iyo hub ay qorsheyneyso in ay kaga qeyb qaadato howlgalka AUSSOM ee ka socda Soomaaliya.
Hubkan la soo bandhigay ayaa muujinaya gaadiid gaashaaman oo nooca Fahd APC iyo MRAP ah, kuwaas oo leh astaanta Midowga Afrika, taasoo tilmaamaysa in loogu talagalay howlgal nabad-ilaalin. Waxaa sidoo kale muuqda diyaaradaha qumaatiga u kaca ee nooca Mi-24/Mi-35, kuwaas oo loo adeegsado taageerada hawlgallada dhulka iyo sugidda amniga.
Dhanka kale, waxaa la arkayaa diyaaradaha fudud ee weerarka ah sida Super Tucano, oo ku habboon dagaallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan, iyadoo hortooda lagu soo bandhigay gantaallo iyo bambooyin hawada laga rido.

