“Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.
Muqdisho: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa maanta yeeshay kulan ay uga arinsanayaan Qorshaha lala tegayo Kulan Berri loo balansan yahay inuu ka dhaco Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.
Golaha ayaa isla qaatay inay miiska berri la tagaan qodobo ay heshiis ku yihiin oo kala ah.
1. Dastuurka Soomaaliya in uu yahay kii 2012 , wax ka bedel kasta oo lagu sameeyeyna uu yahay waxba kama jiraan.
2. In Dowlad goboleedyada wakhtigooda dhaafay ay Doorashooyinkooda qabsadaan, iyagoo gelaya doorasho dadban.
3. In Dowladda Federaalka ah ay qabato Doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku dhacda.
Xubno katirsan golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ku sugnaa shir maanta ay goluhu ku yeesheen Hotel ka Aiprort ee ku yaala Xerada Beeshaca Caalamku xukunto ee Xalane, ayaa Daljir u sheegay in qodobadaas si dhamaystiran la isugu afgartay dooda Goluhuna halkaas fadhido.

