DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye Cabdixafiid Nuur Barre, isagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaya xorriyadda saxaafadda iyo mabaadi’da dowladnimada.
Rooble ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lagu xirin loo sii daayo wariyaha, lana xaqiijiyo badqabka iyo dhammaan xuquuqdiisa aasaasiga ah, isagoo xusay in caburinta saxafiyiintu dhaawacayso kalsoonida dadweynaha isla markaana saxaafad xor ahi ay tahay tiir-dhexaadka dimuqraadiyadda, hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
ADMIN

