Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay dad ka ganacsanayay hilibka Geriga (Geri), iyagoo hawlgal qorsheysan oo ka dhan ah falalka sharci-darrada ah ka fuliyay magaalada dhoobley .
Saraakiisha Booliska ayaa tilmaamay in culeyska ka jira dalka uu qeyb ka yahay falalkan, loona baahan yahay in si wadajir ah loo ilaaliyo sharciga, deegaanka, iyo duurjoogta, iyadoo dadkii lagu soo qabtay loo horkeenayo sharciga.
Hawlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Jubbaland ku xaqiijinayso mamnuucidda laynta iyo ka ganacsiga ugaadha.

