Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa bayaankeedii ugu horreeyay oo kasoo baxay, waxay ku dhawaaqeen in weerarkii ugu horreeyay ee ballaaran oo gantaallo iyo diyaarado drone ah lagu bilaabay dhulka ay Israa’iil maamusho, taasoo jawaab u ah gardarro cadow oo lagu qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Bayaanka IRGC wuxuu lagu cadeeyey.
1- Weerarku yahay waji 1-aad oo ka mid ah hawlgallo ballaaran oo sareeya.
2- La adeegsaday gantaallada masaafada fog-fog iyo Diyaaradaha bilaa duuliyaha ah “drones”
3- Hawlgalladu sii socon doonaan iyadoo ku xiran xaaladda taagan.
Xaaladdu weli waa mid kacsan, waxaana la filayaa warar iyo faahfaahin dheeraad ah saacadaha soo socda.

