DEG DEG 🔴 Xiisadda Israa’iil & Iiraan oo ka gudubtay heerkii hore
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaysa in Iiraan ku hanjabtay “jawaab culus” oo lagu beegsan doono dhulka ay maamusho Israa’iil, iyadoo la tilmaamay in xaaladdu faraha ka baxday.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa howlgalka dagaal ee ka dhanka ah Iiraan ugu magac daray “Guuxa Libaaxa”, iyadoo duqeymo sii xoogeysanaya lagu arkayo magaalooyin ku yaalla Galbeedka Iran.
Warbaahinta Israa’iil waxay sheegtay in la dilay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Iiraan, oo uu ku jiro taliyihii guud ee ciidamada qalabka sida. Si kastaba, dowladda Iiraan wali si rasmi ah uma xaqiijin khasaarahaas.
The New York Times ayaa, iyada oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah, sheegtay in duqeymahu socdeen afar maalmood oo xiriir ah.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa bilaawday daadgureynta diyaaradaha rayidka ah ee yaallay garoomadeeda, tallaabadaas oo muujinaysa cabsi laga qabo weerarro aargoosi ah.
Gobolku wuxuu galay marxalad khatar ah.
Su’aasha hadda taagan: ma isu beddeli doontaa dagaal ballaaran oo gobolka oo dhan saameeya? 🌍

