Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in horumarka laga hirgeliyey Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) uu yahay mid taariikhi ah oo aan ku koobnayn oo keliya Soomaalida Itoobiya, balse uu yahay guul ay si wadajir ah ugu faani karaan Soomaalida Kenya, Soomaalida Muqdisho iyo Soomaalida Jabuuti.
Abiy Axmed ayaa tilmaamay in isbeddellada ka socda DDS ay ka tarjumayaan horumar muuqda oo dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, maamul-wanaagga iyo is-dhexgalka bulsho ah, kuwaas oo horseeday in deegaanku noqdo astaan horumar iyo xasillooni oo cusub.

