Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa soo warisay in weerarro isdaba-joog ah (waves) lagu qaaday dhismayaal muhiim ah oo dowladeed oo ku yaalla caasimadda Tehran ilaa gobollo ka tirsan galbeedka dalka, gaar ahaan magaalooyinka Ilam, Kermanshah iyo Lorestan.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Iran, bartilmaameedyada la beegsaday waxaa ka mid ah:
1- Wasaaradda Sirdoonka (Ministry of Intelligence)
2- Wasaaradda Difaaca (Ministry of Defense)
3- Xarunta iyo dhismayaasha xafiisyada Hoggaamiyaha Sare, Ali Khamenei
4- Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Iran (AEOI)
5- Aqalka Madaxtooyada Iran oo shir kasocday “Warar hordhac ah ayaa khasaare sheegaya lamase hubin”
Wararku waxay tilmaamayaan in weerarradu ay socdaan hirar kala duwan, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha rasmiga ah ama tirada dadka waxyeeladu kasoo gaartay. Dowladda Iran wali kama aysan bixin bayaan faahfaahsan oo ku saabsan ficiladan guracan ee lagu weeraray.

