Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha mucaaradka, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa la sheegay inuu ku xaniban yahay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli uu qorsheynayay kulan xasaasi ah oo ka dhici lahaa gudaha garoonka.
Wararka hordhaca oo ay heshay radiohagan.com ayaa sheega in Caawa uu la kulmi lahaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo haatan deggen gudaha xarunta garoonka.
Lama shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa hakinta dhaqdhaqaaqiisa, hase yeeshee arrintan ayaa imaneysa iyadoo mucaaradka la sheegay inay wajahayaan cadaadis sii kordhaya oo la xiriira dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hayโadaha ammaanka ama dowladda oo faahfaahinaya xaaladda, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan xog dheeraad ah. Dhacdadan ayaa durba dhalisay hadal-heyn siyaasadeed, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay xaaladdu u saamayn karto kulamada iyo isfahamka dhinacyada siyaasadda dalk

