XOG:- Madaxweyne Hassan Sheikh oo la yimid Qorshe Cusub oo ku saabsan Shirka Muqdisho
Madaxweynaha Somalia Mudane Hassan Sheikh Maxamuud aya soo bandhigay qorshe cusub oo lagu daminayo Xiisada ka dhalatay Goobta lagu qabanayo Shirka Dowlada Iyo Golaha Mustaqbalka.
Madaxweynaha ayaa Teamka dhexdhexadinta wada u sheegay in u habeen danbe tagaayo Airport Hotel islamarkana Casho Sharaf ugu sameynayo Golaha Mustaqbalka qodobo dhowr ahna ay Isla so qaadi doonan islamarkana Kalsooni la dhisi doono.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu codsaday Maalinta ku xigta in Shirka loo soo raro Villa Soomaaliya ila uu Shirku ka dhamanaayo si sumcada wadanka loo ilaaliyo.
Ma cada in qorshahaan ay aqbalayaan Golaha Mustaqbalka oo shirarkii ugu danbeyay isku dhaarsaday in aan Villa Soomaaliya la tagin

