Xilkagaadis iyo Magacaabis : Guddomiyaha iyo Ku xigeenka Degmada Maxaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle:
Kadib markuu arkay baahida loo qabo dardar gelinta howlaha shaqo ee Degmada Maxaas, markuu arkay muhiimada ay Ieedahay xoojinta iyo Horumarinta adeegyada bulshada ee Degmada.
markuu latashaday madaxda sare ee Dowladda Hirshabelle,
Waxa uu xilkii ka qaaday:
Muumin Maxamed Xalane Guddomiyihii Degmada Maxaas, Islamarkaana waxa uu u magacaabay: Ciise Mohamud Cabdi (waayeel) Guddomiyaha Degmada Maxaas,
Wasiirka ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday Maxamed Yusuf Cumar Guddomiye kuxigeenkii Amniga iyo Siyaasadda Degmada Maxaas. Islamarkaana waxa uu u magacaabay: Daahir Xuseen Cilmi Guddomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Maxaas.