Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo ka dhan ah Dowladda itoobiya, iyadoo dalka laga ceyriyay safiirkii Itoobiya u fadhiyay magaalada Muqdisho.
Go’aanka maanta kasoo baxay kulankii Golaha Wasiirada ayaa lagu amray safiirka dowladda Itoobiya ee Somaliya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka isaga baxo, iyadoo loo celinayo dalkiisa, waxayna Soomaaliya u yeeratay safiirkii ka joogay magaalada Addis ababa.
Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la xiray Qunsuliyaddii Itoobiya ku lahayd Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo uu hore u taagnaa khilaafka heshiiskii ay dowladda Itoobiya la gashay Somaliland, isla markaana ay shalay Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya shaacisay heshiis ay la gashay maamulka Puntland.