Diyaarad siday Rakaab kana soo am-babaxday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ku Dagi waaysay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne.
31 qof ayaa Saarneeyd Diyaaradan oo la sheegay ineey lugaha ama Taayarka u Bixi waayeen taasi oo ku qasabtay ineey Dib Ugu laabato Garoonka Diyaadaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Garoonka Ugaas Khaliif ayaa Xaqiijiyey in Diyaaradaan lugaha u Bixi waayeen Dibne ay u laabatay. Sanadihii u Dambeeyey Soomaaliya waxaa kusoo Badanayey Diyaaradaha aanan Taayarka ama Cagaha aanan u Baxeeynin taasi oo walwal ku Abuurtay Rakaabka inta badan Raaca Diyaaradaha.

