Ciidanka ATMIS ee Howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu kordhiyay ilaalada Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ee ku sugan Hotelka Airport, oo ku yaalla xeyndaabka Xerada Xalane, dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Gaadiid gaashaaman iyo askar cusub oo ka tirsan ATMIS ayaa lagu arkayaa xayndaabka halka ay degan yihiin wafdiyada labada dowlad-goboleed. Tani waxay muujinaysaa in beesha caalamka ay qeyb ka tahay imaatinka wafdiga iyo joogitaankoodaba.
Warar kale ayaa tilmaamaya in weli laysku mari laβ yahay goobta uu ka furmayo shirka iyo qodobada ay dhinacyadu doonayaan in marka hore diiradda lagu saaro.

