Boqortooyada Sucuudi Carabiya Oo Soo Bandhigtay Awooddeeda Difaac.
Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa dhawaan soo bandhigtay awooddeeda difaac, iyadoo muujisay qalab milatari oo casri ah, oo ay ka mid tahay diyaaradda tababarka iyo dagaalka fudud ee Hawk T-165.
Bandhiggan ayaa lagu muujinayay diyaar garowga iyo horumarka ay boqortooyadu ka gaartay dhinaca ammaanka iyo difaaca.
Masβuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Sucuudiga ayaa sheegay in soo bandhigidda qalabkan ay qayb ka tahay qorshaha lagu xoojinayo awoodda ciidanka cirka, lana muujinayo sida ay dalku ugu diyaar garoobay difaaca xuduudihiisa iyo ka hortagga khatar kasta oo amni.
Diyaaradda Hawk T-165 oo ka mid ah kuwa la soo bandhigay ayaa ah mid loo adeegsado tababarka duuliyayaasha iyo howlgallo gaar ah, taasoo muujinaysa in Sucuudigu sii xoojinayo tayada iyo tababarka ciidamadiisa cirka.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli gobolka Bariga Dhexe uu wajahayo isbeddello amni, taasoo Sucuudi Carabiya ku dhiirrigelisay inay sii adkayso awooddeeda difaac iyo diyaar garowgeeda milatari.

