Labadii Baarlamaan ee ugu dambeysay waa 9-aad iyo 10-aad ayaa lumiyay intii badneyd awoodahoodii dastuuriga ahaa, waxaana shaqada dalka taalla oo dhan lagu maamulayay Golaha Wadatashiga Qaran.
Golahan oo ah madal ay sameysteen madaxda maamullada iyo kuwa fulinta ee federaalka, si gaar ahna waxaa halkaasi lagu jeex-jeexayay oo go’aan looga gaarayay arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Baarlamaanka wuxuu leeyahay awood uu ku fara-geliyo, qaarkoodna uu go’aan uga gaaro inta badan howlaha ka socda dalka. Laakiin madaxda labada heer dowladeed, gaar ahaan kooxaha fulinta qaabilsan oo danahooda gaarka ah riixayaan ayaa dhinac iskaga tuuray baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad, taasi oo weji gabax iyo macno la’aan dhigtay labadaasi baarlamaan.
Waxaa ka macno iyo saameyn badnaa siyaasiyiin aan wax xil ah u haynin dalka. Hadda markale waxaa muuqata in la macno tiro baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana taasi beddelkeeda masraxa soo fuulay siyaasiyiin dibad joog ah.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ay u dhan yihiin qabaa’ilka Soomaalida oo dhan ayaa sababaha inta badan awoodihiisa looga fara maroojiyo dhamaadka muddo xileedka waxaa lagu sheega hoggaan xumo iyo baraarug la’aan.
Shalay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu bilaabay dood socon doonta dhowr maalmood oo la xiriirta kaalinta baarlamaanka ee arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Waxay dooddan imaaneysa, iyada oo siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda maamullada qaar xoojinayaan in Garoowe uu ka dhaco shir aayo ka tashi ah, xilli uu Saciid Deni dhawaan sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh aqbalay shirkaas.
Deni iyo mucaaradkaba waxay rabaan in shirkaan lagu fur-furo arrimaha dastuurka, xilli dhameystirka dastuurka uu kamid yahay waajibaadka baarlamaanka. Si fudud qeyb awoodaha baarlamaanka kamid ah ayaa halkaasi lagu boobi doona.
Xildhibaannada qaar ayaa la sheegayaa in arrintaasi ka gadoodsan yihiin, waana midda keentay in la abuuro ajendaha gaarka ah ee baarlamaanka kaga doodayo doorkiisa xaaladaha masiiriga ah ee dalka.
Waxay u muuqata in Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ay baraarugeen xilli hore marka loo eego baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad. Inta badan awoodaha baarlamaanka cidda fara-maroojisa ee gacanta u gelisa hoggaamiyayaasha gobollada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah waa qofka markaas fadhiya Villa Somalia.
Mana cadda inuu hadda madaxweyne Xasan Sheekh aad xiiso ugu qabo in awoodaha baarlamaanka u wada dhaco Golaha Wadatashiga Qaran, maadaama uusan Xasan Sheekh uu wax dhib ah ku qabin labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo inta badan la fududeeya howlaha hortabinta u leh.
Dooddii shalay ee Golaha Shacabka, Xildhibaannada qaar ayaa kasoo horjeestay shirka Garoowe, halka ay qaarna ku baaqeen in uusan madaxweynaha ka qeyb-galin. Waxaana dood dhowr maalmood ah kadib la eegi doona haddii uu baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya difaacan karo kaalintiisa xaaladdaha waaweyn ee dalka iyo haddii awoodihiisa lasoo afjari doono.