Author: Liban Qoono

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu iska hor yimaad culus dhex maray ciidamada Booliska iyo ilaalada xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ay howlgal ku qaadeen Guri ku dhegan Hoyga uu degaankaasi ka degan yahay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), kadibna ay isku dhaceen ciidamada iyo ilaalada Xildhibaanka. Xogta laga helayo iska hor imaadka ayaa sheegaya Ciidamda Booliska uu howlgalkooda ku wajahnaa kooxo ka ganacsatada Maandooriyaha, waxaana Guriga Booliska weerarreen lagu qabtay Daroogo kala duwan. Isku dhaca ilaada xildhibananada iyo ciidamada ayaa waxaa ka…

Read More

Madaxda Sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa xaflad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb waxa ay ku abaalmariyeen Ciyaartoyda, Macalinka, kaaliyeyaashii la shaqeeyay & dhammaan xubnihii qaybta ka ahaa xulka metalayay Dowlad-Goboleedkaas ee ku guulaystay koobka Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2023 ee Muqdisho ka dhacay. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo dhinacyadiisa ay taagan yihiin ku xigeenkiisa & Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayuu ku wareejiyay jeegga lacagta abaalmarinta xulka metalay Dowlad-Goboleedkaas ee gacanta ku dhigay koobkii ay tartanka adag u galeen. Axmed Qoor-Qoor ayaa ciyaartoyda, Macallinka iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa in Ciyaartoyda Metalaysa Dowlad-Goboleedka Galmudug waxa uu ku bogaadiyay kaalintii firfircooneed…

Read More

Ciidamada Difaaca dalka Itoobiya ayaa qoraal ay soo dhigeen boggeeda Facebook waxay ku sheegeen in ay qabteen 30 fuusto oo shidaal ah oo laga keenay Soomaaliya. Waxay sheegeen in ay ku qabteen shidaalkaan aagga gobolka Afdheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxayna sheegeen in shidaalka laga keenay dhinaca Jubbaland, Soomaaliya. Sida ay sheegeen ciidanku gaari siday shidaalka ayaa 49 kiilo mitir u jiray halka uu doonayay in uu geeyo shidaalka, “Balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamo hawlgal ku jiray”. Taliye xigeenka ciidanka hawlgalkaan ku jiray ayaa sheegay “in shidaalkaan uu sabab u noqon karo sicir bararka ka jira gudaha Itoobiya”. Isha:…

Read More

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan aan caadi ahayn ayaa doodad ka dhex dhalatay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha kuwaas oo isku qabsaday sida uu noqonaya maamulka gobolka Banaadir oo muddo badan soo jiitamaysay. Kulanka Golaha oo ajandihiisu ahaa ka doodinsta arrimaha siyaasadda ee dalka ka taagan sida dhamaystirka Dastuurka iyo shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diidmo waxaa ka muujiyay Xildhibaan Jeego oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka. Xildhibaan Jeego ayaa doodiisa daarneed diimo ku aadan ka qeyb galka shirka uu ku dhawaaqay Deni oo uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu…

Read More