Author: Liban Qoono

Ciidamada Ammaanka Dowladda Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay goordhow soo afjaraan howlgal ballaaran oo saaka ka bilowday magaalada Baydhabo. Howlgalkaasi ayaa lagu baacsanayay kooxo burcad nabad-diid ah oo dhibaatooyin ku hayay shacabka ku nool magaalada Baydhabo. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay tahay sugidda amniga guud iyo soo celinta xasilloonida magaalada.

Read More

Magacaabista Raโ€™iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka Taariikhda siyaasadda Soomaaliya waxay marar badan muujisay in Raโ€™iisulwasaare kasta oo la soo magacaabo xilliyada kala-guurka uu si toos ah u noqdo xuddunta awoodda siyaasadeed. Tani ma aha arrin ku dhisan shakhsiyaad, balse waa xaqiiqo siyaasadeed oo ku saleysan duruufaha waqtiga iyo isbeddellada awoodda. 1. Xilliga kala-guurka iyo hoos u dhaca saameynta Madaxweynaha Marka la gaaro marxalad kala-guur ah, isla markaana waqtiga Madaxweynaha uu gabaabsi noqdo, beesha caalamka, safiirrada, iyo hayโ€™adaha shisheeye waxa ay si toos ah ula macaamilaan Raโ€™iisulwasaaraha cusub, maadaama loo arko wajiga cusub ee hoggaanka siyaasadeed. 2.…

Read More

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage. Raโ€™iisul Wasaaraha oo hambalyo u diray Taliyaha cusub, ayaa xusay in looga baahan yahay ciidan leh hufnaan, anshax iyo dhaqan wanaagsan, si ay hormuud ugu noqdaan bulshada, una gutaan waajibaadkooda Qaran ee difaaca dalka. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay guulo waaweyn ka…

Read More

๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š? Magaalada Muqdisho waxaa saaka si rasmi ah uga dhacayso doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqal Insaanka Qaranka. Doorashadan oo markii hore la filayay inay qabsoonto usbuucii hore, ayaa dib u dhacyo farsamo iyo loolan adag kaddib, waxay ugu dambayn mudaysan tahay saaka. Tartankan ayaa ah mid aad u kulul, waxaana ilaa hadda si rasmi ah u gudbiyay codsigooda tartanka booska Guddoomiyaha saddex murashax oo miisaan culus ku dhex leh guddiga iyo nidaamka dawladnimada. Guddigan oo ka kooban 9 xubnood, ayaa xoguhu sheegayaan in tartanku u kala qaybsan yahay laba dhinac, iyadoo xubin kastaa…

Read More

Doorashada Guddoonka Guddiga Xuquuqul-aadanaha Soomaaliyeed ayaa ka socota Muqdisho, iyada oo guddoomiyaha ay u taagan yihiin Suxufi hore, Farxaan Jimcaale, Wasiir hore Maryam Qaasim & Cumar Calasow oo la soo shaqeeyey Amisom. Dhismaha Guddiga Xuquuqul-aadanaha oo ka kooban 9 xubnood ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay kala soo wareegtey Qaramada Midoobey maamulka xuquuqul-aadanaha dalka. Yaa guuleysan doona?

Read More

Gaalkacyo: Hodan M. Diiriye Waxaa Lagu Fuliyay Xukun Qisaas, iyadoo la Ilaalinayo Dareenka Ubaddkii ay Ka Tagtay Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa sida ay u dhacday toogashada lagu fuliyay Alle ha u naxariistee Marxuumad Hodan M. Diiriye, oo horay Maxkamaddu ugu xukuntay dil-toogasho, kaddib markii lagu helay fal dil ah. Sida ay ii xaqiijiyeen xubno goob-joog ahaa saakay, fulinta xukunka dilka ah waxaa sameeyay mid kamid ah wiilasha la dhashay Marxuumad Sabiriin Seylaan Cabdulle, kaas oo sharci ahaan u lahaa xaqa fulinta qisaasta. Daqiiqado ka hor inta aan fulin xukunka, waxaa la xaqiijiyay in Marxuumad Hodan oo wajiga loo…

Read More

XOG: Diyaaradihii Saakay Hurdada ka toosiyay reer Muqdisho ayaa la ii xaqiijiyay in ay ahaayeen Diyaaradaha dagaalka F-16 oo dhowaan Turkigu keenay Muqdisho. Diyaaradaha ayaa la sheegay in ay sameeyeen saakay Duulimaadkoodii ugu horreeyay, iyagoo Hawada Caasimada Muddo kooban gaaf-wareegay. Saraakiil ka Tirsan Turkisom ayaa ila wadaagay in aysan jirin qorshe gaar ah oo ay fuliyeen diyaaradaha saakay laakiin kaliya duulimaadkooda lagu tijaabinaayay Hawada Caasimada. Wixii ka soo kordha halkaan kala soco i,a.

Read More

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay dad ka ganacsanayay hilibka Geriga (Geri), iyagoo hawlgal qorsheysan oo ka dhan ah falalka sharci-darrada ah ka fuliyay magaalada dhoobley . Saraakiisha Booliska ayaa tilmaamay in culeyska ka jira dalka uu qeyb ka yahay falalkan, loona baahan yahay in si wadajir ah loo ilaaliyo sharciga, deegaanka, iyo duurjoogta, iyadoo dadkii lagu soo qabtay loo horkeenayo sharciga. Hawlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Jubbaland ku xaqiijinayso mamnuucidda laynta iyo ka ganacsiga ugaadha.

Read More