Author: Liban Qoono

Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad oo fududeyn doona isu-socodka iyo fiisaha labadda dal. Update :- Dowladaha Fadaralka Soomaaliya iyo Dowlada Tanzania ayaa Magaalada Darisalam ee Caasimada Tanzania ku garay heeshiis Taarikhi ah Heshiiskaan oo ah mid dhanka socdalka ah ayaa waxaa lagu heshiisay in Muwaadinka Soomaaliyeed ee wata Pasaport ka Somaliga ah u on arrival ku qadan karo visaha Tanzania halka baasaboorada Diplomatic iyo Service ay yihiin free oo aan loga bahnayn Visa. Sido kale Muwadininta ka soo jeeda wadanka Tanzania’s ayaa ayagana noqon doona kuwa on arrival ku qaata visaha Somalia halka…

Read More

M/weyne Xasan Shiikh ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qeybgalay shirka midowga Afrika. Willi lama oga waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo shirkii ay ku balansanaayeen Golaha Mustaqbalka iyo Madaxda DFS. Sidoo kale waxaan willi is arkin M/weyne Xasan Shiikh iyo madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland kuwaasi oo maalmo ku sugan Muqdisho. wixii kusoo kordha halkan kala soco hadii Eebbe Idmo.j

Read More

Update : Farmaajo oo wado dadaalo la iskugu soo dhaweynayo Xasan Sh , Deni iyo Madoobe si shirka uusan u fashilmin. Ilo xilkas aya radiohalgan.coma u xaqiijiyen in xaley uu Agaasimaha NISA Mahad Salad hooygisa ku booqday Madaxweyne hore Farmaajo. Mahad aya Farmaajo uso gudbiyay fariin uuka siday Madaxweyne Xasan Sh oo codsaday in Madaxda Puntland iyo Jubaland ay aqbalaan in shirka uuka qabsoomo Villa Somalia. Farmaajo ma uusan balan-qaadin inuu fikirkaas ku qancin doono madaxda Puntland iyo Jubaland balse waxa uu adkeeyay inuu dadaal ku bixin doono si shirka uusan u fashilmin. Intaas kadib Mahad aya la sheegay inuu…

Read More

Diyaarad siday Rakaab kana soo am-babaxday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ku Dagi waaysay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne. 31 qof ayaa Saarneeyd Diyaaradan oo la sheegay ineey lugaha ama Taayarka u Bixi waayeen taasi oo ku qasabtay ineey Dib Ugu laabato Garoonka Diyaadaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Garoonka Ugaas Khaliif ayaa Xaqiijiyey in Diyaaradaan lugaha u Bixi waayeen Dibne ay u laabatay. Sanadihii u Dambeeyey Soomaaliya waxaa kusoo Badanayey Diyaaradaha aanan Taayarka ama Cagaha aanan u Baxeeynin taasi oo walwal ku Abuurtay Rakaabka inta badan Raaca Diyaaradaha.

Read More

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna, tallabadaas ayaa qeyb ka ah fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkey. Munaasabadda sagootinta Markabka waxaa maanta ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo masuuliyiin kale, dhanka Turkiga masuuliyiin sare oo Wasiirka Batroolka uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay munaasabadda taariikhiga ah ee sagootinta Markabka Cağri Bey.

Read More

Xildhibaanadii dhawaan ganaaxa lagu soo rogay ee isku magacabay β€œXildhibaanada Xorta ah” ayaa goordhaw shir gaar ah ku leh xarunta ololaha Musharax Madaxweyne Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Xildhibaanadan ayaa loo diiday inay ku shiraan Hotel Jazeera, sida aan xalay tabinay , kaddib markii la sheegay in Taliyaha Hogaanka Booliska Gobalka Banaadir Macalin Mahdi uu xalay tagay hotelka isla markaana maamulka ku wargeliyay in aan la oggolaan karin qabashada kulankaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maamulka hotelka Jazeera ay dalbadeen warqad rasmi ah oo caddeyneysa sababta loo diiday shirka, taas oo la sheegay in saaka la gaarsiiyay maamulka hotelka. Kulankan…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha mucaaradka, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa la sheegay inuu ku xaniban yahay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli uu qorsheynayay kulan xasaasi ah oo ka dhici lahaa gudaha garoonka. Wararka hordhaca oo ay heshay radiohagan.com ayaa sheega in Caawa uu la kulmi lahaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo haatan deggen gudaha xarunta garoonka. Lama shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa hakinta dhaqdhaqaaqiisa, hase yeeshee arrintan ayaa imaneysa iyadoo mucaaradka la sheegay inay wajahayaan cadaadis sii kordhaya oo la xiriira dhaqdhaqaaqyadooda siyaasadeed. Ilaa iyo hadda ma jiro war…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman. Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay guulaha muuqda ee Soomaaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimuquraadiyadda, isagoo adkeeyey xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaallanka argagixisada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh…

Read More