Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Liban Qoono
Isbahaysiga NATO ayaa la ogaaday in lacagtii ugu badnayd sanadahaan uu ku bixiyay dhinaca difaaca maadaama Dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ay cabsi wayn soo foodsaartay tan iyo markii uu Ruushka si toos ah u weeraray Ukraine. NATO ayaa dhaqaale badan gelisay dhinaca Difaaca waxaana ugu badan waddamada ugu dhow dhinaca Ruushka ee wajahaya xaaladaha welwelka ah, si loo yareeyo cabsidaas waxa uu Isbahaysigaan sameeyay tallaabooyin muhiim u ah. Xoghayaha Gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in sannadkaan uu u yahay sanadkii Dalalka dhaca Qaaradda Yurub ee xubnaha ka ah Isbahaysigaan ay dhinaca Difaaca ku bixiyaan kharashka ugu badan ee…
Q/W Liban Qoono Waa jab iyo naasa been shaqsi lagga sugaay wax qabad aad u baaxad weyn waliba shaqsi fresh ah oo dhalinyaro ah balse la soo shar taggay wax aan lagga fileyn marnabane suurra gal aheyn sinabba. Feisal Aralle oo ah Xog-haayaha Gobolka Banaadir Xilkanne haaya in ku dhow 2 sanno illaa haddane aaan lagga diiwaan gelin cid uu wax u qabtay ayaa sheegtay innuu TAALLO ka dhisay Degmada Qadiimigga ah ee Mahaas waa Degmada Mahaas. Mahaas waxa ay leedahay Gudoomiye Degmo ku xigeyn Xog-haye Ganacsato Diaspora iyo Dad kalle oo heysta Hanti waliba Taajiriin ah, intaas aan kor…
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in aan sharciga loo marin xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees), oo shalay Maxkamada Degmada Hargaysa ay sannad iyo lix billood ku xukuntay. Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in abwaanka si jujuub ah dacwadiisa loo qaaday isla markaana aan garyaqaan loo qaban, nidaam sax ahna loo qaadin. “Xukuumada Muuse Biixi waxay maraysa in ay qoysaskii kala dhexgasho, oo ah unugii u hooseeyay ee bulshada, waxaanu ka xunahay xadhiga sharci darada ah ee lagu xukumay Abwaan Abees, in inta habeen la xidhay maalintii ku xigtayna la yidha waxa lagu xukumay…
Nageeye Cali Khaliif oo 100 maalmood ka hor u goostay kooxda Al-Shabaab ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyey, isagoo soo bandhigay xogo badan oo ku saabsan sababta uu ugu biiray argagixisada. Nageeye ayaa sheegay in rabitaankiisa uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ka goβantahay inuu xaqiijiyo hadafkiisa. Waxaa la weydiiyey sababta uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, balse isagoo aan toos uga jawaabin suβaashaas ayuu sheegay in markii hore uu xalka Soomaaliya ka soo raadiyey Xamar, markii ay waxaba u suutageli waayeena uu ku soo biiray Al-Shabaab. Isla suβaashaas isagoo ka jawaabaya Nageeye wuxuu sheegay in Soomaaliya la kala jarjaray,…
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in argagixisadu ay yihiin kuwa ka ganacsada dhiigga umadda oo aan wax naxariis ah lahayn. Mudane, Madaale oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay bandhigga suuq weynaha Muqdisho ayaa intaa ku daray in dad masaakiin ah oo carruurtiisa usoo shaqa tagay bam loo dhigo laguna dilo ay tahay wax Islaamnimada ka fog. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in musiibadii shalay ka dhacday Bakaaraha aynu ku weynay dad badan oo qiimo lahaa, kuwaas oo isugu jira noocyada bulshada, wuxuuna Alle ugu barrayay naxariis. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa hadalkaan ka sheegay…
Warbixin cusub oo lagu daabacay website-ka madasha caalamiga ah ee (Gulf International Forum) ayaa ka digtay in fiilooyinka muhiimka ah ee badda hoosteeda mara laga yaabo in ay bartilmaameed cusub u noqdaan weerarrada soo socda ee Xuutiyiinta ee Badda Cas, taasoo muujinaysa khatar isa soo taraysa oo si weyn u carqaladayn karta isgaarsiinta iyo dhaqaalaha caalamka. “Shabakadda fiilooyinka isgaarsiineed ee muhiimka ah ee biyaha hoostooda waxay noqon kartaa bartilmaameed jilicsan oo ku habboon weerarka soo socda ee Xuutiyiintaβ ayaa lagu yiri warbixinta. Weerarada Xuuthiyiinta ee lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan badda cas ayaa halis weyn ku ah isu…
Xildhibaan Cabdinaasir Shirwac βDastuurka waxaa ku xayiran xaquuqo farabadan.
Dabley hubeysan ayaa xaafad ka tirsan degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ku dishay Haweeney ganacsato ahayd xilli ay Gurigeeda ku sii jeeday. Haweeneyd la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Hooyo Foos Aadan Nuure Xuubeey, waxayna wararku sheegayaan in koox hubeysan ay jidka u gashay, rasaasna ku furtay, taasoo keentay inay geeriyooto. Lama shaacin cidda falka dilka ah geysatay, balse dadka degaanka ayaa laga soo xigta inay ahaayeen koox Burcad ah oo doonaysay inay dhac u geystaan Marxuumada, waxayna goobta ka baxsadeen markii ay falkan geysteen. Maamulka Degmada Caabudwaaq ayaan weli ka halin falkan, iyadoo Ciidmaada Booliska ay wadaan howlgal ay…
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday kiiska dacwad ay eedeysanayaal ka yihiin Masβuuliyiin caan ah oo ka tirsanaa Hayβadaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya. Xeer ilaalinta Qaranka ayaa masβuuliyiintan kusoo eedeysan denbiyo ay ka mid yihiin; Lunsasho hanti Dadweyne, Musuqmaasuq iyo Lacag dhaqid, waxaana Maxkamadda horteeda eedaha loo heysto madaxdaasi ka akhriyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Saalax Dabbaan. Masβuuliyiintan oo gaaraya 12 qof ayaa iyagoo maqan dacwadooda ka bilaabtay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mida: 1- Agaasimihii hore ee Hayβadda socdaalka iyo JInsiyadaha Maxamed Aadan Koofi 2- Agaasimihii hore ee Hayβadda socdaalka iyo JInsiyadaha C/qaadir Cilmi…
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu iska hor yimaad culus dhex maray ciidamada Booliska iyo ilaalada xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ay howlgal ku qaadeen Guri ku dhegan Hoyga uu degaankaasi ka degan yahay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), kadibna ay isku dhaceen ciidamada iyo ilaalada Xildhibaanka. Xogta laga helayo iska hor imaadka ayaa sheegaya Ciidamda Booliska uu howlgalkooda ku wajahnaa kooxo ka ganacsatada Maandooriyaha, waxaana Guriga Booliska weerarreen lagu qabtay Daroogo kala duwan. Isku dhaca ilaada xildhibananada iyo ciidamada ayaa waxaa ka…
