Author: Liban Qoono

Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay Shirkii ay cawa muqdisho ku qabsadeen Axmed Madoobe iyo Saciid Dani ayaa Yiri ” Waxaan u jeclahay siyaasi shaqadisii ku soo fashilmay marka uu makarafoonka qabsado oo calaacalo, dhulka isku dhifto, mararka qaar is-qiireeyo, ilmeeyo, ka dibna ku soo gabagabeeyo dalka ha la badbaadiyo. Ninka sidaas dhahaya waa kan marka Soomaaliya iyo shisheeyo isqabto la safan shisheeyaha, weliba u soo raaca oo dibindaabyo iyo kala dhantaalid midnimada umadda iyo dalka shaqo ka dhigta. Ninka sidaas dhahaya waa kan gobolkiisa qaranka ka jecel, ciidamada qaranka maleeshiyaad ka jecel inuu dalkiisa iyo madaxda dalka wax ka sheegana…

Read More

Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay gaadiid gaashaaman, diyaarado iyo hub ay qorsheyneyso in ay kaga qeyb qaadato howlgalka AUSSOM ee ka socda Soomaaliya. Hubkan la soo bandhigay ayaa muujinaya gaadiid gaashaaman oo nooca Fahd APC iyo MRAP ah, kuwaas oo leh astaanta Midowga Afrika, taasoo tilmaamaysa in loogu talagalay howlgal nabad-ilaalin. Waxaa sidoo kale muuqda diyaaradaha qumaatiga u kaca ee nooca Mi-24/Mi-35, kuwaas oo loo adeegsado taageerada hawlgallada dhulka iyo sugidda amniga. Dhanka kale, waxaa la arkayaa diyaaradaha fudud ee weerarka ah sida Super Tucano, oo ku habboon dagaallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan, iyadoo hortooda lagu soo bandhigay gantaallo…

Read More

Maxaa ka soo baxaya shirka Muqdisho? Dad badan ayaa muhiim u arka shirka la filayo in uu magaalada Muqdisho ku dhex maro Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo waxa loo gu yeero Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (dad badan u yaqaanaan Golaha Mustaqbal-seegga ama Mustaqbal-beelka Soomaaliya). Shirkan oo ka dhashay baaqii shirkii Kismaanyo, ayaa qabsoomiddiisa waxaa kaalin ku lahayd Beesha Caalamka oo isu soo dhoweysay dhinacyada. Doodda waxa loo guyeero Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, waxa ay ku salaysan tahay labo qodob: 1. Dastuurka; 2. Doorashada. Sida muuqata, Baarlamanku waa uu sii wadayaa hawlaha dastuurka, ma na jirto filasho ah in la hakin doono wax-ka-beddelka dastuurka.…

Read More

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal Xoogan oo ka socda Degaanka Yurkud ee u dhaw kuuq ee Gobolka Gedo ee Koofurta Somaliya. Wararka naga soo gaaraaya Degmada Luuq ee Gobolka gedo ayaa sheegaaya In uu halkaas wali ka socdo dagaal culus oo aroortii hore ee saakay ka bilowday. Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba beeleed oo deegaanka wada dega kuwaasoo kala Macalin weyne iyo Mareexan, waxaana la maqlayaa dhawaqa hubka ay is waydaarsanayaan. Laamaha amniga ayaa ku howlan kala dhex galida beelaha dagaalamaaya, inkasta oo aysan wali suurta gelin in la joojiyo dagaalka. Khasaare ayaa jira, ha yeeshee wali lama xaqiijin xogta dhabta…

Read More

Ciidanka ATMIS ee Howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu kordhiyay ilaalada Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ee ku sugan Hotelka Airport, oo ku yaalla xeyndaabka Xerada Xalane, dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Gaadiid gaashaaman iyo askar cusub oo ka tirsan ATMIS ayaa lagu arkayaa xayndaabka halka ay degan yihiin wafdiyada labada dowlad-goboleed. Tani waxay muujinaysaa in beesha caalamka ay qeyb ka tahay imaatinka wafdiga iyo joogitaankoodaba. Warar kale ayaa tilmaamaya in weli laysku mari la’ yahay goobta uu ka furmayo shirka iyo qodobada ay dhinacyadu doonayaan in marka hore diiradda lagu saaro.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, caasimadda dalka. Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Shirka lagaga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Read More

Gelinkii hore ee maanta Muqdisho waxa ka degtay diyaarad siday in ka badan 70 askari oo ku hubaysan hub culus, kuwaas oo ilaalo u ah Madaxweyne Deni. Isla diyaaradda uu la socdayna waxa sidoo kale ka soo degay ku dhowaad 40 askari oo kale oo hubaysan. Shacabka Soomaaliyeed waxay is weydiinayaan Madaxweyne Deni, yuu uu sidan oo dhan isaga ilaalinayaa? Ma furimaha hore ee dagaalka argagixisada ayuu u socdaa, mise Caasimaddii dalka?

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle, isagoo qiimeeyay adeegyada caafimaadka, socdaalka, amniga iyo habsami u socodka shaqada garoonka. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dhageystay cabashooyin ay muujiyeen shacabka, wuxuuna faray maamulka garoonka in la xoojiyo tayada adeegyada, lana fududeeyo u adeegidda rakaabka, gaar ahaan dadka u baahan daryeel gaar ah. Wuxuu adkeeyay in aysan marnaba la aqbali karin cabashooyin ka yimaada xarumaha dowladeed, isagoo ballanqaaday in xukuumaddu tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku xadgudubta adeegga dadweynaha, isla markaana Garoonka Aadan Cabdulle uu noqdo mid ka tarjumaya haybadda iyo sumcadda dalka.

Read More

Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa kashifay in dawladda Itoobiya ay dhisayso xero milatari oo qarsoodi ah, taas oo ujeedkeedu yahay in lagu tababaro dagaalyahannada Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dalka Suudaan, kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada dawladda Suudaan (SAF). Qodobada Ugu Muhiimsan ee Warbixinta: β€’ Xerada Qarsoodiga ah: Ilo-wareedyo dhanka amniga ah iyo sawirro dayax-gacmeed (Satellite imagery) oo ay Reuters heshay ayaa muujinaya dhisme xero cusub oo ku taal gudaha Itoobiya, meel u dhow xuduudka, taas oo si gaar ah loogu diyaariyay tababarka ciidamada Jeneraal…

Read More