Author: Liban Qoono

Qarax culus oo jugtiisa laga wada maqlay guud ahaan magaalada ayaa goordhaw kadhacay xaafada holwadaag ee magaalada beledweyne. Agagaarka Xerada ciidanka jabuuti ee xaafada holwadaag ayuu ku beeganyahay qaraxa halkaas oo maanta ay baneeyeen ciidanka jabuuti. Rasaas ayaa wali laga maqlayaa aaga uu qaraxa kadhacay. Faahfaahinta Lasoco goordhow!

Read More

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA PROF. MAXAMED SHEEKH CISMAAN JAWAARI Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariisto Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. “Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Sooyaal fog ayuu ku lahaa Dowlad-dhiska Soomaaliya waxa uu waqti dheer geliyay sidii ay Soomaaliya dib ugu istaagi laheyd. Dhammaanteen ayay darreen adag nagu leedahay geeridiisa.” Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa Rabbi uga baryay inuu ku…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday magaaladda Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed muddo aad u badanna Qaranka usoo adeegay. “Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun illaahey ha u naxariisto Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu ahaa oday iyo siyaasi cimrigiisa inta ugu badan kusoo qaatay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena kaalin weyn ka…

Read More

Madaxweyne Ruto oo Digniin adag soo saaray kaddib dibad-baxyadii dadka badan ku dhinteen Magaalooyin badan oo kuyaalla dalka Kenya waxaa shalay ka dhacay dibad baxyo xooggan oo watay rabshado, waxaana dibad baxyadaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimadho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhintay dibad baxyadii shalay ka dhacay dalka Kenya, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan oo qaarkood halis yihiin soo gaareen dad ka badan 100-qof . Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dibad baxii shalay ka dhacay dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan, waxaana warbaahinta…

Read More

Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir aya soo bandhigay gacan ku dhiigle caawa dilay Hooyadii dhashay iyo abtigiis. Booliska ayaa war uu soo saaray ku sheegay in gacan ku dhiigle Maxamed Xassan Cali Dhiblaawe loo taxaabay xabsiga. Ninkan ayaa ku eedeysan dilka hooyadiis oo la oran jiray Marxuumad Muraayo Muxumud Siyaad 55 jir aheyd iyo abtigiis Marxuum Yuusuf Muxumud Siyaad 85 jir ahaa. “Waxaana la baarayaa xaaladiisa caafimaad ee dhimirka si looga sal gaaro sababta ku kaliftay in uu dilo waalidkiis” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska gobolka Banaadir. Falkan ayaa caawa ka dhacay…

Read More

Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Itoobiya iyo Soomaaliya aysan isku heysan inay gaarto Badda iyo Xeebaa Soomaaliya. “Anaga iyo Itoobiya iskuma heysano inay Badda soo gaarto. Mana jirto dagaal ay Soomaaliya Bad u diidan tahay. Waxaan isku heysanaa waxay tahay sidee Itoobiya Badda kusoo gaaree.. Itoobiya haddii ay dooneyso inay Xeebaha Soomaaliya soo gaarto wa soo dhoweyneynaa..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayey Shirweynaha xoojinta Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee Muqdisho. Waxaan ranaa inay -Itoobiya xeebaha Somaliya- u soo gaarto sida Uganda ay xeebta Kenya usoo gaarto, sida Brundi iyo Rwanda…

Read More

Waxaa shalay shil gaari ku geeriyooday Cabdishakuur Maxamed Axmed oo ku magac dheeraa Boqole iyo Cabdirixmaan Yaasiin Cali Gadhle oo labadu ahaa shaqsiyaad caan ka ahaa bahda ciyaaraha ee Somaliland. Shilka labada marxuun ku geeriyoodeen ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Sheekh iyo Burco ee Somalilnd sida ay BBCda u xaqiijiyeen ehelladooda Geerida labdan ciyaaryahan ayaa si weyn u gilgishay baraha bulshada iyadoo ay dad badani muujiyeen doorka ay ku dhex lahaayeen ciyaaraha. Cabdishakuur Boqole, ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dhulka Soomaalida ee ka tirsan ciyaaraha kubada cagta isagoo ahaa…

Read More

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu yahay ajnabi katirsanaa kooxda Al Shabaab. Ninkan ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka qabteen ayaa la sheegay in uu doonayay inuu doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg ee gobolka Galgaduud, uuna aado deegaanno kale aan la shaacin. Ciidanka huwanta ah ayaa qabashada ninkan waxaa u sahlay xog ay ka heleen dadka deegaanka Mareeg, waxa ayna ciidamada ninkan maxbuuska ah geeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ninkaan…

Read More

Waa kuma safiirka cusub ee uu Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya ee uu madaxweyne Xasan ka guddoomay warqadaha? Richard H. Riley, wuxuu haatan ka shaqeeyaa safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka. Horey wuxuu u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Peshawar ee waddanka Pakistan. Wuxuu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr ah. Mar wuxuu safaaradda Mareykanka ee Norway ka ahaa ku simaha safiirka iyo ku xigeenka arrimaha howlgalka ee safaaradda Oslo. Richard H. Riley waxa uu safaaradda Mareykanka…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasinadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay dil dad badan ka argagaxeen uu ka dhacay deegaanka Bulacle oo hoostaga magaalada Duusomareeb. Dabley hubeysan oon wali heybtooda rasmiga ah la garan ayaa xalay deegaanka Bulacle dil ugu geestay Macalin Dugsi Qur’aan ku heestay deegaankaasi iyo xaaskiisa, kuwaa oo lagu weeraray gurigii ay degnaayeen. Dadka deegaanka ayaana ku waramay in dilka kaddib kooxdii falkaasi geesatay ay goobta isaga baxsadeen, waxaana saakay deegaanka dilku ka dhacay gaaray ciidamo booliis ah, kuwaa oo bilaabay baaritaanka dilka iyo ciddii ka dambeysay. Warar soo baxaya ayaa…

Read More