Author: Liban Qoono

Xiisadda u dhexeysa Pakistan iyo Afgaanistaan ayaa si lama filaan ah u sii xoogeysatay.Ciidamada cirka ee Pakistan ayaa fuliyay duqeymo xooggan oo ay ku beegsadeen gobollada Nangarhar, Paktika iyo Khost ee bariga Afgaanistaan. Wararka ayaa sheegaya in ilaa toddobo xero la burburiyay intii ay socdeen hawlgalladaas. Pakistan waxay sheegtay in duqeymahaasi ay ahaayeen jawaab ka dhalatay weerarro argagixiso oo kusoo kordhay gudaha dhulkeeda, kuwaas oo lagu dilay tobaneeyo askari oo ka tirsanaa ciidamadeeda. Dhanka kale, iyagoo ka jawaabaya duqeymaha cirka, ciidamada Afgaanistaan ayaa la sheegay inay bilaabeen weerar dhulka ah oo ay ku qaadeen saldhigyo Pakistan ku leeyihiin xadka. Afgaanistaan,…

Read More

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka Somaliyeed isagoo sheegay in sida SHBB la isaga xorayn doono: β€œRoori doone hortiis lama rooroi! Kismaayo ayay ka soo codsadeen wadahadal weliba waqti ayay qabteen waa loo raacay, casuumaad ayaa loo wada diray, buuq iyo qaylo, bambooyin iyo qoryo ayay ÎskΓ’ soo hormarsiiyeen, ayadoo aan sharci ahayn ayaa loo aqbalay. Hoteelada Xalane hanala kugu yimaado ayay la soo shir tageen waa loogu tagay. Villa Somalia in ay yimaadaan ayay ka caga-jiideen waa laga qanciyay dadaal dheer ka dib. Tagistoodii Villa Somalia carqalado is xig-xiga ayay damceen in ay ku…

Read More

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe magaalada Muqdisho ku xiray Wariye Cabdixafiid Nuur Barre oo ka tirsan TV-ga Somali Cable. Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga Wariyaha mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo la xiriira arrintaasi. Maamulka TV-ga uu ka howlgalayey iyo Ehelkiisa ayaa inoo xaqiijiyey inaysan ogeyn halka lala aaday ama lagu xiray islamarkaana markii hore gaari Cabdi Bile ah lagu qaaday.

Read More

DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye Cabdixafiid Nuur Barre, isagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaya xorriyadda saxaafadda iyo mabaadi’da dowladnimada. Rooble ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lagu xirin loo sii daayo wariyaha, lana xaqiijiyo badqabka iyo dhammaan xuquuqdiisa aasaasiga ah, isagoo xusay in caburinta saxafiyiintu dhaawacayso kalsoonida dadweynaha isla markaana saxaafad xor ahi ay tahay tiir-dhexaadka dimuqraadiyadda, hufnaanta iyo isla xisaabtanka. ADMIN

Read More

Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid Nuur Barre, isagoo sheegay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imaanayso xorriyadda saxaafadda iyo nidaamka dimuqraadiyadda, isla markaana dhaawac ku tahay mabaadi’da dowladnimada, ku dhaqanka sharciga, iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Waxa uu ugu baaqay hay’adaha amniga iyo dowladda in ay si degdeg ah u caddeeyaan waxa dhacay, isla markaana xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo isagoo aan shuruud lagu xirin. ADMIN

Read More

Puntland, ayaa cambaaraysay xarig sharci darro ah oo Muqdisho loogu geystey Suxufi halkaas ka hawlgala. Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, ayaa sheegay in caburtinta Warbaahintu calaamad u tahay hab dhaqanka Madax doorasho diid ah. β€œWaxaan si adag u cambaaraynayaa xadgudubka iyo afduubka loo geystay wariye Abdixafid Nuur Barre ee ka tirsan Somali Cable TV. Tallaabadani waxay si cad uga hor imanayso xorriyadda saxaafadda, waxayna dhaawac ku tahay mabaa’di’da dowladnimo, ku dhaqanka sharciga, iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.” Ayuu yiri Wasiir Cabdifataax. Wasiirka ayaa intaa ku daray in Madaxda Soomaaliya rabaan inay xukunka xoog ku joogaan. β€œCabudhinta,…

Read More

War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte. Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in caawa halkaasi lagu xiray xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Dowlada Federaalka. Dad Magaalada ku sugan ayaa tilmaamaya in arintan ka dhacday gudaha magaalada, balse weli si rasmi ah looma sheegin cidda ka dambeysa falkaasi. Mas’uuliyiinta ammaanka iyo hay’adaha dowladda ayaan weli ka hadlin arrintan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.

Read More

Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka kaas oo looga hadlay is diidooyinka DFS iyo golaha waxa uu mar kale madaxweyne Xasan Shiikh dalbaday furad kale. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay xubnaha Golaha Mustaqbalka kadib markii maanta uu natiijo la’aan kusoo idlaaday kulankoodii is araggii 2-aad ahaa oo ay kaga hadlayeen dhinacyadu Doorashada iyo Dastuurka taasi oo keentay iney dhinacyadu kala fogaadaan. Golaha oo markii ay maanta ka tageen madaxtooyada qorsheeyey Shir jaraa’id oo ay ku shaacin lahaayeen in ay burbureen wadahadaladii kala dhexeeyey Villa Somalia ayaa waxaa madaxweyne Xasan…

Read More

#VILLA_SOMALIYA : Shirka u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka oo Natiijo La’aan Kusoo Dhammaaday Shir maanta ka qabsoomay Villa Soomaaliya, oo u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii miiska saarnaa. Isaragan oo qaatay saacado badan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hannaanka doorashooyinka dalka iyo qodobbo la xiriira dib-u-eegista Dastuurka. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaaday arrimahaasi, taasoo sababtay in la waayo is-afgarad mideeya mowqifyadooda. shirka intii uu socday, labada garab ayaa yeeshay kulamo…

Read More

Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan doorashooyin looga qabto dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in maamulladan ay galaan doorasho waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii lagu dhisay nidaamka federaalka, si loo xaqiijiyo sharciyad iyo kalsooni siyaasadeed.

Read More