Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Liban Qoono
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan aan caadi ahayn ayaa doodad ka dhex dhalatay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha kuwaas oo isku qabsaday sida uu noqonaya maamulka gobolka Banaadir oo muddo badan soo jiitamaysay. Kulanka Golaha oo ajandihiisu ahaa ka doodinsta arrimaha siyaasadda ee dalka ka taagan sida dhamaystirka Dastuurka iyo shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa diidmo waxaa ka muujiyay Xildhibaan Jeego oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka. Xildhibaan Jeego ayaa doodiisa daarneed diimo ku aadan ka qeyb galka shirka uu ku dhawaaqay Deni oo uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu…
Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxyo maalintii shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxyada suuqa Bakaaraha, kuwaas oo sidoo kale burburiyay xarumo ganacsi iyo dhismayaal kale . “Waxaan tiriyay toban qof oo dhintay, 15 kalena way ku dhaawacmeen, gabi ahaan dukaankeygii wuu burburay, qaraxyada waxay ka dhaceen afar goobood oo ku yaalla bartamaha suuqa,” ayuu yiri Xasan Cali oo ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha oo la hadlay Reuters. kalkaaliyayaal caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in…
Askar katirsan ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eritrea, ayaa maanta xirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanaya mushaar laβaan. Ciidamadan ayaa dhowr bilood ka hor markii dalka dib loogusoo celiyay waxay qeybtooda kasoo jeeda Puntland tageen magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, iyagoo lagu daray ciidamada mariiniska Puntland ee uu taageero Imaaraatka Catabta. Maanta ayay ciidankan la wareegeen kantaroolka laga galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo halkaas kusoo rogay Bandow ka dhan ah dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Boosaaso. Falkaan ayaa kusoo beegmay xilli magaalada Boosaaso uu maanta ka dhacay qarax sida wararku sheegayaan uu ku dhaawacmay sarkaal katirsan ciidamada Puntland, ilaaladiisa…
Soogalootiga imanaya xadka u dhexeeya Mareykanka iyo Mexico ayaa kor u kacay iyadoo uu gaaray heerkii ugu sarreeyey inta uu arriminayo maamulka madaxweyne Joe Biden, waxana ay noqoneysaa madax-xanuun siyaasadeed oo aad u weyn ka hor doorashada. Ra’yi ururintu waxay soo jeedinayaan in in ka badan saddex meelood laba meel dadka Maraykanka ahi ay diiddan yihiin sida uu Mr Biden u maareeyay arrinta. Isaga oo ay u badan tahay in uu ka soo horjeedo doorashadii madaxtinimada ee November, Donald Trump, ayaa cambaareeyay sharciga oo uu ku tilmaamay mid aan dhameystirneyn, dareenkaas oo ay ka dhawaajiyeen xildhibaanno badan oo muxaafid ah…
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa marar badan hadal hayn dhaliyay, kadib markii uu ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xariira, siyaasad iyo Bulsho. Dad badan ayaa is weydiinaya qofka uu yahay Buurmadoow. Waxaa uu horaantii lixdameeyadii ku dhashay deeganka lebiga- Caanood oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool. Waxbarashadii diiniga iyo maadiga ilaa heer dugsi hoose dhexe ayuu ku qaatay degmada Sheekh ee gobolka Togdheer. Dugsiga sarena wuxuu kaga baxay dugsiga sare ee Waabari ee magaalada Muqdisho horaantii todobaatameeyadii ayuu kaga baxay Muqdisho. Jaamacad ku taal dalka Sudan ayuu bilowgii siddeetanaadkii ka qaatay heerkiisa kowaad ee jaamacada…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dhacdo xanuun badan ay ka dhacday degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi, taas oo loo gaystay Hooyo Soomaaliyeed. Hooyada oo lagu magacaabi jiray Foos Aadan Nuur ayaa waxaa si arxan darro ah u dilay kooxo hubeysan, kuwaas oo goobta isaga baxsaday dilka dhacdada. Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ubax ee degmadaasi, waxaana la sheegay in xilliga la dilayay marxuumadda ay kusii jeeday gurigeeda. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dableyda dishay haweeneydan ay waddada u galeen, kadibna ay rasaas kala dhaceen qaybaha sare , taas oo…
Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka lagu soo qabtay doon siday hub sharci darro ah iyo raggii la socday, kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen burcad badeed. Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay Gobolka Raas Caseer ee maamulkaasi, ayada oo gacanta lagu soo dhigay doonidaas iyo saddex qof oo la socday. Taliyaha qaybta ee gobolkaasi, Gaashaanle Fuβaad Maxamuud Xuseen oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay iska kaashaadeen ciidamada booliska iyo kuwa ilaalada xeebaha ee maamul goboleedka Puntland. Fuβaad ayaa sheegay in hubka gacanta usoo galay…
Labadii Baarlamaan ee ugu dambeysay waa 9-aad iyo 10-aad ayaa lumiyay intii badneyd awoodahoodii dastuuriga ahaa, waxaana shaqada dalka taalla oo dhan lagu maamulayay Golaha Wadatashiga Qaran. Golahan oo ah madal ay sameysteen madaxda maamullada iyo kuwa fulinta ee federaalka, si gaar ahna waxaa halkaasi lagu jeex-jeexayay oo goβaan looga gaarayay arrimaha masiiriga ah ee dalka. Baarlamaanka wuxuu leeyahay awood uu ku fara-geliyo, qaarkoodna uu goβaan uga gaaro inta badan howlaha ka socda dalka. Laakiin madaxda labada heer dowladeed, gaar ahaan kooxaha fulinta qaabilsan oo danahooda gaarka ah riixayaan ayaa dhinac iskaga tuuray baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad, taasi oo weji…
Qaraxyo ayaa salaaddii duhur kadib shalay laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi. βWaxaan indhahayga ku arkayey toddoba qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca saddex kale,β ayuu yiri goobjooge diiday inaan magaciisa baahinno. Goobjoogahaan oo sidoo kale ah ganacsade tukaan ku leh suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in hal mar uu isbaddeley jawiga suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo alaabta Electron-ga oo khasaaraha ugu badan uu gaaray. Waxa uu sheegay in dadkii ku sugnaa suuqa ay kala carareen iyadoo si dhaqsi leh loo xiray dukaamadii furnaa. Guddoomiye ku xigeenka amniga…
Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Salaasadii sheegay in hoggaamiyayaasha Xamaas ay ka soo jawaabeen hindisaha sii daynta la haystayaasha, kaasoo hakin doona dagaalka ka socda marinka Gaza. Wuxuu sheegay in Maraykanku uu dersayo jawaabta ay ka bixinayaan arrintan, isla markaana ay kala hadli doonaan Israaβiil maalinta Arbacada ah. Intii uu socday shir saxaafadeed ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, Xoghaye Blinken ayaa u sheegay warbaahinta in jawaabta Xamaas ee hindisaha sii daynta la haystayaasha lala wadaagay Israaβiil. Madaxweyne Biden oo ku sugan Washington ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in jawaabta Xamaas ay tahay βmid xoogaa saayid…
