Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

    May 11, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025

    DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

    May 11, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

      May 11, 2025

      Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo ka Shiraya Maalgelinta Howlgalka AUSSOM

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Akhriso:- Madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inuu ka welwelsan yahay in Israel ay carqaladeyn karto safarkiisa Bariga Dhexe, taasoo abuurtay xiisado cusub.

      May 10, 2025

      Akhriso:- Hindiya iyo Pakistan oo gaarey heshiis xabad joojin ah

      May 10, 2025

      Xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ayaa si xowli ah u korortay kadib

      May 10, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

      May 11, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

      May 11, 2025

      DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

      May 11, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Booliska Soomaaliya oo Faafaahin Kabixiyey Weerarkii Hotelka SYL

    Booliska Soomaaliya oo Faafaahin Kabixiyey Weerarkii Hotelka SYL

    Liban QoonoBy Liban QoonoMarch 15, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email
    • Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd markii ugu horreysay ka hadlay weerarkii saacadaha badan qaatay ee hoteelka SYL, kadib markii goor sii horeysay lasoo afjaray weerarkaasi.

    Afhayeenka Booliska oo warbaahinta kula hadlay agagaarka hoteelka la weeraray ayaa shaaciyay in weerarkaasi ku dhaawacmeen illaa 27 ruux, halka ay ku naf waayeen ciidan gaaraya illaa 3 saddex askari.

    Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay toogteen dhamaan maleeshiyaaddii weerarka soo qaaday oo tiradooda ahaayeen shan dagaal-yahan, kuwaasi oo uu sheegay in ay si dhuumaleysi ah kusoo gaareen goobta ay weerarka ka fuliyeen.

    AS waxay 9:30 habeenimo weerar dhuumaleysi ah ku qaadeen hoteelka SYL, ciidanka nabadgelyada oo si deg deg ah uga jawaabaya saacada kadib wuxuu banaanka soo dhigay shantii AS ahaa ee gudaha u gashay hoteelka SYL,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Booliska.

    Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarka ay ku jiraan Xildhibaanno, kuwaasi oo uu sheegay in uusan cusleyn dhaawacooda, ayna lugahooda uga tageen goobta, sida uu sheegay.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in xaaladda amni ee hoteelka iyo agagaarkiisa ay sidii caadiga aheyd kusoo laabaneyso, “Nabad-gelyo fiican ayaa jirta hoteelkii nabad weeyi, Xildhibaannadii iyo intii hoteelka daganeyd dib ayay ugu noq-noqonayaan.”

    Booliska ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo sida ay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku gaareen hoteelka ay saacadaha badan ka dagaalamayeen, maadaama uu ku yaallo irirda Madaxtooyada Soomaaliya.

    “Arrintaas baaris ayay ku jirtaa hay’addaha nabad-gelyada u xil-saaran oo sida ay wax u dhaceen baaristeedii waa la daba jooga. Xaaladda illaa hadda baaris ayay ku jirtaa dhacdaduna wey cusub tahay, waxa kasoo baxana saxaafada lala wadaagi doona.”

    Si kastaba, Kooxda weerarka fulisay iyo gawaari qaraxyo ku rarnaayeen oo ay wateeen ayaa ka gudbay Kontroolo adag oo looga gudbo goobta ay weerarka ka fuliyeen, taasi oo sare usii qaadeysa tuhunka in loo fududeeyay, halka Booliska uu lasoo shir tegay inay si dhuumaleysi ah ku gaareen halkaasi.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

    May 11, 2025

    DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

    May 11, 2025

    DEG DEG Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u fasaxday duulimaadyada Gobolka Gedo

    May 11, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Wafdi kasocda Hayadda MSF oo Dhusamareeb lagu soo dhaweeyay.

    May 11, 2025

    In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

    May 11, 2025

    DEG DEG Madaxwayne Ciro Oo Kulan la Qaatay Gudiga Doorashooyinka Somaliland.

    May 11, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.