๐๐๐ ๐ค๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ง๐๐ฒ๐ ๐๐จ๐จ๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐ฅ ๐๐ง๐ฌ๐๐๐ง๐ค๐?
Magaalada Muqdisho waxaa saaka si rasmi ah uga dhacayso doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqal Insaanka Qaranka.
Doorashadan oo markii hore la filayay inay qabsoonto usbuucii hore, ayaa dib u dhacyo farsamo iyo loolan adag kaddib, waxay ugu dambayn mudaysan tahay saaka.
Tartankan ayaa ah mid aad u kulul, waxaana ilaa hadda si rasmi ah u gudbiyay codsigooda tartanka booska Guddoomiyaha saddex murashax oo miisaan culus ku dhex leh guddiga iyo nidaamka dawladnimada.
Guddigan oo ka kooban 9 xubnood, ayaa xoguhu sheegayaan in tartanku u kala qaybsan yahay laba dhinac, iyadoo xubin kastaa ay hadda u muuqato mid u dhow mid ka mid ah labada murashax.
Aqoonta iyo Taariikhda Murashaxiinta Tartamaya
1. Dr. Omar Abdulle Alasow
โข Aqoonta: PhD in International Human Rights and Humanitarian Law (University of Essex).
โข Khibradda: Waxa uu leeyahay in ka badan 25 sano oo khibrad ah. Waxa uu hore u ahaa Madaxa Ilaalinta, Xuquuqal Insaanka iyo Arrimaha Haweenka ee AMISOM, iyo khabiir sare oo Qaramada Midoobay kala taliya arrimaha IHL.
2. Dr. Maryam Qasim Ahmed
โข Aqoonta: Dhakhtar caafimaad (MD) iyo ku takhasustay Caafimaadka Dadweynaha (MPH, University of Warwick).
โข Khibradda: In ka badan 30 sano oo adeeg dadweyne ah. Waxay hore u soo noqotay Wasiirka Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee FGS.
Galaangalka Madaxtooyada iyo Saadaasha Codadka
Xogta hoose ee laga helayo ilo ku dhow guddiga ayaa tilmaamaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay si uun heshiis ula tahay labada murashax, balse doonista rasmiga ah ee Villa Somalia ay tahay inuu soo baxo Dr. Abdule Omar Alasow.
Loolanka iyo Culeyska Dr. Maryam Qaasim
Inkasta oo olole ballaaran oo ka dhan ah Dr. Maryam Qaasim ay sameeyeen xubno ka tirsan dowladda, iyadoo la adeegsanayo awood siyaasadeed iyo ballanqaadyo, haddana Maryam ayaa weli u muuqata mid culus. Haddii jawigii isbeddel-doonka ahaa ee toddobaadkii hore uu sidiisa u jiro, waxaa la saadaalinayaa inay Dr. Maryam ku soo bixi karto guddoomiyaha, maadaama ay haysato taageerayaal ku adkeysanaya madax-bannaanida guddiga.
Natiijada doorashadan saaka ayaa dhabaha u xaari doonta jihada uu qaadi doono Guddiga Xuquuqal Insaanka ee Soomaaliya afarta sano ee socota.

