Guryaha oo la qurxiyo, nalal, cunto, calamo iyo shumac ayaa lagu xusaa sanad kasta mowliidka meelo badan oo caalamka ah.

Xuska mowliidka waxa uu si weyn salka ugu hayaa caadooyinka ah in uu yahay munaasabad faraxadeed. Balse sua’aasha sanad kasta taagan ayaa ah waxa ay ka yiraahdeen madaahiibta diinta Islaamka ee ah mowliidku ma bannaan yahay mise ma bannaana.

Sida arimo badan oo diinta la xiriira, culumada iskuma raacin hal dhinac, xitaa maalinta saxda ah ee dhalashada Nabiga (NNKH). Sida loogu dabaaldegayo Sunniyiinta iyo Shiicada isku mid ma ahan.

Inta badan layskuma khilaafsana in mowliidku yahay bisha Rabiicul Awal taariikhda Islaamka balse Sunnida waxay xuska dhigaan 12-ka bisha Rabiicul Awal halka Shiicadana ay ku beegaan xuskooda 17-ka bish.

Labadaas maalin oo ay ku kala duwan yihiin waxay bilaabatay markii Ruhollah Khomeini uu sameeyay baaqii ahaa toddobaadka midnimada Islaamka is laysugu dhaweeynayo Sunnida iyo Shiicada.

Sida siirada ku xusan, Nabiga (NNKH) wuxuu dhashay Sannadkii Maroodiga – oo taariikhda milaadiga ay ku beegnayd intii u dhexeysay 570 iyo 571 AD.

Sannadkaas waxaa magaca loogu bixiyay, waa xilligii uu Makah weerarka ku qaaday Boqorkii Yemen ee lagu magacaabay, Abraha al-Ashram. Wuxuu ujeedkiisu ahaa in uu burburiyo Kacbada, wuxuuna adeegsaday maroodiyaal, sida Alle uu ku sheegay suuratul Fiil.

Tafaasiisha taariikhda goorta uu dhashay Nabiga (NNKH) way kala duwan tahay balse waxa aad loo hubaa in uu dhashay maalin Isniin ah sababtoo ah waxaa la weydiiyay sababta uu Isniinta u soomayo, Nabiga (NNKH) wuxuu ku jawaabay waa maalintii aan dhashay.

Culumada waxay sheegaan in xuska mowliidka uusan aheyn wax la sameyn jiray bilowgii Islaamka mana jirin ilaa laga gaaro qarnii 4-aad ee Hijriyada.

Dabbaaldegga xuska mowliidka waxaa la sheegaa inuu salka ku hayo dowladii Faatimiya ee ka talin jirtay Masar taas oo la sheegay in sannadkii 969-kii ay bilowday xaflado.

Xiligaa wixii ka dambeeyay xuska mowliidka marna waa la weyneyn jiray marna wuu sii lumi jiray, waxayn taas ku xirneyd dowladdihii kala duwanaa ee jiray. Markii dambe waxaa sii xoojiyay Suufiyada xiligaas waxaa jiray xukunkii Maxamed Cali Pasha

Culumada Salafiyada ee uu horkacayo Cabulcasiis Bin Baazi waxay qabaan in dabdaaldegga (NNKH) uusan ka mid aheyn diinta. Wuxuu sheegay in Shareecada aysan melena ku sheegin wax ogolaanayo in loo dabbaaldego mowliidka sababtoo Nabiga iyo khilaafadii ka dambeysay uma dabbaaldegin sidaa darteed waa wax lagu soo daray oo bidco ah

Wuxuu sheegay in Muslimiinta uu Alle faray xuska laba munaasabadood oo keli ah, kuwaas oo kala ah Ciid al-Fitri iyo Ciid al-Adxa, kuwaas oo si wayn ay u dabbaaldegaan Muslimiinta oo dhan.

Dhinaca kale, culumada Al-azhar waxay ka istaageen dhanka fiican. Dhowr Fatwo ay soo saareen si cad ugama hadal dhalashada Nabiga (NNKH) balse mid ka mid ah qoraaladooda ayey ku sheegeen in ay tahay Jaceyl iyo weyneyn.

Inta badan waxaa loo arkay fakarkaas in aysan jirin wax waajib ka dhigaya ama diidaya in la dhigo xuska mowliidka. Culumada qaar waxauy ku tilmaamaan inay tahay wax wanaagsan.

Dr Xasan Al Basri oo ah cilmi baare ka tirsan Jaamacadda Axqaaf ayaa isagoo ku sugan dalka Yemen ayaa BBC-da uga warramay saameynta ay munaasabaddan ku leedahay dunida Muslimka, sida ay sax u tahay iyo sida ay muhiim ugu tahay dadka Muslimiinta ah.

“Waxay muhiim ugu tahay waa wakhtigii uu soo baxay rasuulkoodii oo ah nabigii ay rumeysnaayeen, waa nicmo Alle looga mahad naqo midda ugu weyn, oo mudan in la is xasuusiyo waxaana arrintaas keenaya jacaylka ay dadka muslimiinta ah nabiga jecel yihiin”.

Jalal Al-Din Abdulraxmaan Al-Suyuti (1445-1505) wuxuu aaminsan yahay in Mowliidku yahay “Wax wanaagsan oo cidii sameysay ajir ka heleyso”.

Shiicada waxay u aragtaa xuska mowliidka wax lagu weyneynaayo jaceylka iyo sharafta loo hayo Nabiga (NNKH) sidaa darteed waxba kuma soo dareyso diinta.

Marka laga soo tago mowliidka iyo waxa uu salka ku hayo hadana waxaa laysku raacay in saameyn weyn uu ku leeyahay dunida Muslimka

Share.

Leave A Reply