RW Ku-xigeenka Dalka oo shir guddoomiyay kullan looga arinsanaayay xiliga kala guurka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa shir guddoomiyay kulan looga arinsanaayay xilliga kala-guurka, waxqabdka Xukuumadda iyo dhammaystir ka Dokumentiyada muhiimka ah.
Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii wadi doonta howlaha muhiimka ah ee Qaranka tan iyo inta laga soo dhisayo xukuumad cusub oo xilka kala wareegta.