Xukuumadda Deegaanka oo dhaqaale ka baxsan mida dowladda u raadinaysa

43

Xukuumadda Deegaanka oo dhaqaale ka baxsan mida dowladda u raadinaysa

 

horumarinta nolosha bulshada, gaar ahaan dhinaca wax-soo-saarka.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo xubno ka mid ah kaabineega ayaa madaxtooyada kulan kula qaatay Mudane Tesfahun Gobezay, agaasimaha guud ee (RRS) Hay’adda Qaxootiga Dalka oo ay weheliyaan Dr. Mamadou Dian Balde, Wakiilka Hay’adda UNHCR ee Itoobiya iyo masuuliyiin kale oo ka socda International Finance Corporation (IFC) iyo Fragile and Conflict Situations, Africa (FCS).

Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay aad u danaynayso in hay’aduhu kala shaqeeyaan kaabayaasha horumarineed ee kor loogu qaadayo nolosha bulshada Deegaanka, si looga gaashaanto isbadddellada cimilada loona yagleelo adeegyo horumarineed oo ay bulshadu kaga maarmi karaan taageero dibadeed.

Masuuliyiinta qaarkood oo kulanka ka hadlay waxa ay xuseen in barnaamijyadani ay xukuumadda ku taageeri doonaan, iyaga oo soo jeediyay qorshe iyo istaraatejiyad cad oo qeexaysa hannaanka ay uga qayb-qaadan karaan.

Ujeeddada ka dambaysa kulammada ay xukuumaddu la yeelanayso hay’adaha deeq-bixiyeyaasha ah waxa ay salka ku haysaa in la helo maalgelin ka baxsan kharashaadka dowladdu ugu tolo’gashay barnaamijyada horumarinta bulshada ee wax-soo-saarka beeruhu ugu horreeyaan, taasi oo illaa hadda natiijo wanaagsan laga gaadhay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here