Xukuumadda cusub oo 7-Aug hortageysa Golaha Shacabka.

199

Waxaa lagu wadaa maalinta berri ah in uu dhaco kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhici doona Xarunta Golaha ee Villa Haregysa.

Kulanka ayaa dhammaan Xildhibaannada BFS isugu imaan doona, iyaga oo cod u qaadi doona Xukuumadda Cusub ee magacaaban, taas oo 2 August 2022-ka uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre magacaabay.

Qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka BFS oo lagu yiri Berri oo Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya. Agendaha, u codeynta kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah Golaha ka hor jeedin doona khudbad uu Xildhibaannada ku weydiisanaya kalsooni siinta Xukuumadda, isaga oo halkaas ku soo bandhigi doona Barnaamij Siyaasadeedka Xukuumaddiisa ay ku shaqeyn doonto.

Golaha Wasiirrada ee magacaaban ayaa magaalada Muqdisho ka waday kulamo ee la yeelanayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo weydiisanayay cod siinta Xukuumadda cusub.

Tirada Golaha Wasiirrada ayaa dhan 75 oo isugu jira; Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiir, Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru dowle. Dhammaantood ayaa lagu dheh dhaarin doona xurunta golaha marka ay helaan codka kalsoonida ee Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here