Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba.

Kulanka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isaga oo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka Al-Shabaab.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka , John Mulimba ayaa dhankiisa sheegay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka.

Share.

Leave A Reply